JANGELI: Wax duulimaad ah oo isaga gooshayay Muqdisho iyo Hargeysa oo la Joojiyay ma Jiraan


Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (HOL) — Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa beeniyay in la hakinayo duullimaadka diiyaaradaha isaga gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Jangeli ayaa sheegay in Hadaladii kasoo baxay Taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud aysan waxba ka jirin oo uu ahaa mid isaga u gaar ah.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Jen. C/llaahi Gaafoow ayaa warbixin uu soo saaray shalay ku sheegay in wixii 22-ka bishan Feberaayo ka dambeeya la joojinayo duulimaadyada Muqdisho iyo Hargeysa isaga gudbi jiray maalin walba.

Sidoo kale, Jen. Gaafow ayaa sheegay in Somaliland ay Dadka u safra u jarto warqad dib ugu laabasho deeaan ah (Go Home), isla markaana lacago fara aad u badan laga qaado, isagoo xusay inaanay taasi sharci ahayn, isla markaana aanu ahayn duulimaadka noocan ah mid caalami ah oo uu yahay mid gudaha ah.

Dhanka kale, Wasiir Jangali ayaa xusay in arrintaas aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in go’aankaas uusan dhaafsiisanayn taliyaha, wuxuuna yiri. “Ma jiro wax duullimaad ah oo la joojiyay, balse taliyuhu wuxuu yiri bisha 22-ka howlo ayaa noo socda, waxaana dhici karta in la joojiyo, howshaas waa mid isaga u gaar ah, laakiinse diyaarado la joojiyay ma jiraan.”

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa warbixin ay soo saartay ku sheeegtay in tallaabadani tahay mid u taalla Dowladda Somalia, haddii ay joojinaanna ay sii wadi doonaan duullimaadyada dhankooda, haddii ay fasaxaanna ay soo dhaweyn doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya