Baraf ka da’ay Magaalooyin Waa-weyn oo ka mid ah kuwa Gobolka Minnosota (DAAWO VIDEO)


Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (HOL) — Minnesota Staate Patrol oo ka mid ah Hay’adaha qaabilsan Ammaanka ayaa maalinnimadii shalay xiray jidadka waa-weynaa ee loo yaqaan Highway, sababta oo ah baraf aad u tiro badan oo gobolka ka da’ay, waddooyinka la xiray oo dadka aad u isticmaali jireen waxaa ka mida I-90W - galbeed iyo I-35 - Koofureed sida magaalooyinka Albert Lea iyo Agagaaraheeda.

Amarada soo baxay waxaa ka mid ah in ciddii lagu arko illaa amar danbe aan waddooyinka la magaacabay inay mudan doonaan $1000 oo Ganaax ah ama 90 Maalmood xabsi ah, taas oo lagu doonaayo in lagu yareeyo halista.

Staate Patrol ayaa kula Talisay Dadweynaha in lagu kala safrin Magaalooyinka ay hoos ku magaacaabeen; sida - Blue Earth, Brown, Cottonwood, Faribault, Jackson, Martin, Nobles, Rock, Watonwan, Waseca, Lincoln, Lyon, Murray, Pipestone, Redwood iyo Renville Counties, kuwaasoo uu Barafku si aad iyo aada uga da’ay. Qaarkoodna ay Deggen yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku deggen Minnesota, magaalooyinka Soomaalida ku badan tahay oo laga digay waxaa ka mid ah Faibault iyo Owattana



Sida laga soo xigtay hay’adaha nabad-galyada ee gobolka, waxaa jira illaa hadda 370-shilal iyo 309 Gaari oo Jidadka ka dhacay Xilligii u dhaxaysay 6:00 Am iyo 8:30 Pm Talaadadii shalay, iyadoo waliba Warbaahintu qaar ay sheegayaan in shilalku gaareen 670-shil, 38 ka mida shilalka ayaa ah kuwa keentay dhaawacyo loo qaaday Isbitaallada.

Barafka ayaa kasoo billowday dhanka Koofureed ee Gobolka Minnesota 6:00 Subaxnimo ku dhawaad, isagoo soo gaaray Aga-gaaraha Magaalooyinka Mataanaha ah ee St Paul iyo Minneapolis Abaarahii 11: 00 Subaxnimo, waxuuna socon doonaa illaa maanta oo Arbaco ah sida ay sheegeen qaybta saadasha hawada.

Barafka dhulka yaalla hadda kasoo wali socda ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan 10.5 Inch magaalooyinka qaar, goobahii waxbarashada gellinka dambe ayaa shalay la fasaxay, dadka maanta oo Arbaco ah soo shaqo tagi doona ayaa la kulmi doona ciriiri xagga Waddooynka ah iyo iyagoo ku socon doona xawli aad u hooseeya.

Ugu dambeyn, waxaa jira digniinno mar walba la isticmaalo sida baabuurka kaa horreeya oo in Cabbaar ah laga Fogaado, in la Xirto dhar loogu Talo-galay qaboowga, in baabuurta laguhooda lala socdo, dhaqaaqa oon xawli loo socon & in la koobo socodka aad ka maarmi karto in laga joogo xilligaan oo kale.

Haddaba, Waxaana Jecel-nahay inaad nala Daawataan Cajalad Wacyi-galin ah sameeyeen qaar ka tirsan Ardayda Soomaali-Ameerikaanka ah ee wax ka dhigta Iskuulada Minnesota.

Xuquuqda Sawirada: KSTP

Siyad Said Salah, Hiiraan online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota