SAWIRRO: Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay Nairobi


Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) oo safar ku joogo wadanka Kenya, ayaa xalay ka qeyb galay xaflad soo dhaweyn aheyd oo loogu sameyay xaafada Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi.

Xafladda oo ay ka soo qaban-qaabiyeen xubno ka tirsan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo jeedo gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ku dhaqan Kenya, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ka mid ah Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka.

Mudane Xaashi ayaa tilmaamay intii uu joogay Magaalada Nairobi inay la kulmeen Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ay kala hadleen Arrimo ku saabsan Horumarinta Galmudug, gaar ahaan dhanka Ammaanka, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Wuxuu sheegay inay heleen ballan-qaadyo la xiriira dhisida Garoommo diyaaradeed oo ku yaallo Deegaannada Galmudug, kuwaasoo uu Tibaaxay fulinta Hawshooda iney mar dhow bilaaban doonto.

Dhanka kale isagoo ka hor hadlayay dadweyne tiro badan oo soo dhaweyntiisa ku kulmay, ayuu Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ka warbixiyay horumarada ay gaareen xilligii maamulkoodu uu jiray iyo waliba rajooyinkooda ku aadan iney dib u dhisaan kaabayaashii dhaqaalaha, Ganacsiga xorta ah, maamullada Degmooyinka iyo Machad lagu Xanaaneeya Xoolaha oo uu sheegay in laga dhisi doono Galmudug wakhti dhow.

Carabeey, ayaa dhanka kale caddeeyay in maamulkoodu uu heeshiis la galay Ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, wuxuuna nabad iyo wadahadal ugu baaqay Xubnaha kale oo ka tirsan Ahlu-Sunna oo uu sheegay iney ka maqan yihiin heeshiiskaas.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka Galmudug, ayaa ballan-qaaday in dhawaan magaalada Galinsoor oo ka tirsan gobolka Mudug uu ka furmi doono Shir weyn dib u heeshisiin ah oo lagu dhameynaayo khilaafyo horay u soo kala dhex galay beelo walaalo ah oo gobolkaas wada dago. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya