
Jimco, Maarso 27, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa shaacisay caawa inay soo af-jartay howlgalkii hotell Maka Al-Mukarama oo ay gellinkii dambe ee maanta la wareegeen gacan ku hayntiisa xoogag taageersan Al-shabaab, iyadoo weli rasaas laga maqlayo gudaha hoteelka.
Weerarrada ay dagaalyahanada Al-shabaab ku qabsadeen Hoteelka ayaa isugu jiray mid is-miidaamin ah iyo mid toos ah oo ay gudaha ku galeen, iyagoo dilay 10-qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa hoteelka gudihiisa.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka hoteelka; balse ma aysan sheegin tirada xubnaheeda weerarka qaaday, waxaase dad goobta ku sugnaa ay sheegeen inay yihiin afar illaa shan ruux.
Ciidamada Alpha Group ee dowladda Somalia iyo xoogagga hubeysan ayaa ku dagaalamay gudaha Hoteelka, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan inay rag ka mid ah kuwii weerarka qaaday isku qarxiyeen gudaha hoteelka.
Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa shaaciyay inay ciidmadu soo badbaadiyeen dad isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ganacsato iyo siyaasiyiin hoteelka ku jiray markii ay kooxaha hubeysan qabsanayeen.
Dhanka kale, ciidanka dowladda Somalia ee gudaha u galay hoteelka ayaa waxay toogasho ku dileen dhammaan raggii weerarka geystay sida ay sheegeen saraakiil dowladda u hadlay, dhawaanna laga hadli doono khasaarihii ka dhashay weerarkan.
Magaalada Muqdisho ayaa caawa laga maqlayaa madaafiic culus oo la is-weydaarsanayo; iyadoo aan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay duqeymahan, iyadoo weli ay xaalad aad u cakiran ka jirto hoteel Maka Al-Mukarama oo maanta la weeraray.
Hoteelka Maka Al-Mukarama oo ku yaalla waddada ugu muhiimsan Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan.
Wixii warar dheeraad ah waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











