Jimco, Maarso 27, 2015 (HOL) — Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangeli) ayaa sheegay inaysan jirin cid soo weydiisatay dowladda Somalia in hawadeeda looga duulo dalka Yemen.
Qaar ka mid ah warbaahinta Somalida ayaa baahiyay in dalka Saudi Arabia uu weydiistay dowladda Somalia inay siiso saldhigyo ay kaga duusho Yemen oo ay ka socdaan duqeymo ka dhan ah xoogagga Xuuthiyiinta ah ee dalkaas.

“Innaga wax nala weydiistay ma jiraan,” ayuu yiri Jangeli oo wareysi siiyay VOA-da, isagoo intaas ku daray in dowladda Somalia ay si taxadar leh isha ugu Soomaaliya dalka Yemen.
Sidoo kale, su’aal ahayd inay u ogolaanayaan haddii la weydiisto Somalia in hawadeeda looga duulo dalka Yemen ayuu kaga jawaabay, “Hadde waan kuu sheegay ma jirto wax nala weydiistay hadda, mana doonayo inaan hordhaco wax aanan weli dhicin.”
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa waxaa kaloo wax laga weydiiyay saameynta ay duulimaadyadii Soomaaliya iyo Khaliijka Carabta isaga gooshi jiray ay ku yeesheen duqeymaha lagu hayo Yemen. Isagoo xusay in ay saameyn xooggan ku yeesheen.
“Runtii Somalia duulimaadyo badan ayaa ka aadi jiray Khaliifka ugana iman jiray, saameyn ayayna ku yeesheen,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray inay sugayaan hadba sida ay wax isku bedelaan.
Isbahaysi uu hoggaaminayo dalka Sucuudiga ayaa duqeymo kawada dalka Yemen, gaar ahaan goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin xoogagga Shiicada ah ee Xuuthiyiinta oo dalkas intiisa badan gacanta ku haya.
Ugu dmbeyn, dowladda Somalia ayaa sheegtay inay qoxootigeeda ku sugan dalka Yemen ay dib ugu soo celinayso Somalia, maadaama ay dalkaas ka billowdeen duqeymo culus.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya