Jimco, Maarso 27, 2015 (HOL) — Jamhuuriyadda Federaalka Somalia oo xiriir walaalnimo oo qoto-dheer iyo mid darisnimo ah uu kala dhexeeyo wadanka Yemen waxay sheegtay in ay aad uga xun tahay dhibaatada gaartay dalkaas.
War-saxaafadeedka xukuumadda Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya oo qiimeynaysa;

1. Sida shacabka Yemen ay raalli uga yihiin madaxweynaha sharciga ah ee Yemen C/rabbu Masuur Haaddi, taasoo ridistiisa, af-duubistiisa, duqeynta xaruntiisa iyo u diidista inuu guto waajibaadkiisa Qaran ka dhigaysa af-gembi ka dhan ah sharciga, diinta iyo xeerarka guud ee caalamiga ah.
2. Markaan aragnay hindisihii dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee looga gol lahaa in lagu joojiyo dhiigga qubanaya, dalka Yemenna looga saaro dhibaatada haysata, iyadoo dalalka Khaliijku aad u daneeyaan Yemen, si ka badan caalamka intiisa kale.
3. Innagoo maanka ku hayna qodobbadii kasoo baxay shirweynihii Qaran ee ay ka qayb-galeen dhinacyada shacabka Yemen iyadoo aan cidna laga tagin.
4. Innagoo tix-gelineyna go’aannadii kasoo baxay golaha amniga iyo Jaamacadda Carabta ee ku baaqayay in la xushmeeyo sharciyadda, xaaladana lagu soo celiyo jidka saxda ah.
5. Innagoo cuskaneyna codsigii madaxweynaha dalka Yemen ee ahaa in dalalka Carabtu ka taageeraan sidii Yemen loogu soo dabbaali lahaa ammaan iyo xasillooni.
Jamhuuriyadda Federaalka Somalia waxay go’aansatay arrimaha soo socda:
01. In midnimada waddanka Yemen iyo nabad-galyadiisa dhuleed ay tahay lama taabtaan.
02. Waxaan adkeyneynaa inay waajib ku tahay dhammaan dhinacyada isku haya Yemen, ka qayb galka shirka wada-xaajoodka Qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Yemen Cabdirabbu Mansuur Haaddi.
03. Waxaan bogaadinaynaa boqortooyada Sacuudi Carabiya oo fidisay go-gosha wada-xaajoodka reer Yemen.
04. Jamhuuriyadda Federaalka Somalia waxay taageeraysaa tallaabooyinka boqortooyadad Suucuudi Carabiya iyo xulafadeedu qaateen ee ujeedkeedu yahay inaan Yemen lugaha la gelin dagaal sokeeye iyo degganaansho la’aan aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto.
05. Waxaan ku garab taagan nahay dowladda Yemen dagaalka ay kula jirto kooxaha argagi-xisada ah ee doonaya inay ku cayaaraan ammaanka iyo xasilloonida Yemen, Soomaaliyana waxay diyaar u tahay inay ku biiriso wixii awooddeeda ah xukuumadda wadanka Yemen, si looga guuleysto argagixisada.
06. Inaan xukuumadda Yemen iska kaashanno ka hor-tagga falalka burcad-badeedda ee dhibka nagu wada haya, si loo sugo ammaanka marin badeedka muhiimka ah ee Baabul-Mandab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya