Xukuumadda FS oo ku baaqday in dagaalada Deefoow si dhaqso ah loo joojiyo


Jimco, Maarso 27, 2015 (HOL) — Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegay inay aad uga walaacsan tahay dagaallada kusoo laalaabtay deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan, iyadoo ku baaqday in colaadahaas la joojiyo.

Wasiirka warfaafinta ayaa qoraal ay dowladdu soo saartay ku yiri: “Dowladda federaalka Somalia si aad iyo aad ah ayay uga walaacsan tahay dagaallada soo laablaabtay ee Deefoow ka taagan, waxayna si deg-deg ah uga codsanaysaa dhammaan dhinacyada qeybta ka ah in ay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda oo miiska wadahadalada la fariisto.”

SIdoo kale, wasiirka aya asheegy madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhowr jeer oo hore arrintan ka hadlay welina dagaalladii way sii socdaan, waana wax nasiib-darro ah in dadka deegaanka ay dhiig iska daadiyaan oo aan macno lahayn oo willal iyo gabdho Soomaaliyeed ay si macno daro ah ku dhimanayaan.

“Dagaal will kuma dhasho, Somalidana waxaa lagu yaqaanay dad colaadaha dhexdooda ah geedka hoostiisa ku xaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda ay soo saartay.

Xukuumadda Somalia waxay mar kale ku celisay baaqeedii ahaa in loo joojiyo dagaalladaas si dhaqso badan; ciddii iska dhaga-tirta baaqan ayaa la sheegay in lala tiigsan doonaa sharciga, mana dhacayso baa qoraalka lagu xusay in dad caadeystay dagaal iyo collaado aysan baxsan doonin sharciga.

Ugu dambeyn, qoraalka dowladda ayaa lagu sheegay in dagaal waqtigiisii uu dhammaaday, waana in miiska wadahadalka lasoo wada fariistaa oo khilaaf walba oo bulshada dhexdeeda ah lagu dhameeyo dib u heshiisiin iyo nabad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya