Burcadbadeed Soomaaliyeed oo Afduubtay Markab laga leeyahay dalka Iiraan


Jimco, Maarso 27, 2015 (HOL) — Kooxaha burcadbadeeda Soomaaliya ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday markab si sharci-darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Soomaaliya, waxaana uu noqonaya weerarkii ugu horeeyay oo si guul ah ay kooxahan u fuliyaan muddo ku siman seddex sano.

“Markabkan wuxuu arrimo kalluumaysi u joogay xeebaha dalka Somalia ka hor intii aan la afduubin horaantii asbuucan," ayuu yiri Alan Cole oo ka tirsan xafiiska QM u qaabilsan ka hortaga danbiyada iyo mukhaadaraadka.

Waxaa markabkan lagu afduubay halka lagu magacaabo CeelHuur oo ka tirsan xeebaha gobolka Mudug ,mana jirin wax weerar ah oo kooxdan ay si rasmi ugu guulastay tan iyo sanadkii 2012-ka marka laga reebo kan hadda dhacay sida ay sheegtay hay’adda UNDOC.

“Burcad-badeedda in ay dib u soo dhasheen ayuu ka marqaati kacayaa afduubkan ,waana suurtagal in mar kale ay dib u soo xoogaystaan” ayuu mar kale yiri Alan ,waxaana soo baxayay warar shegaya in ciidamada maamulka Ximan iyo Xeeb ay xir-xireen rag si sharci darro ah u kaluumaysanayay maalmo ka hor.

Labo markab oo laga leeyahay Wadanka Koonfurta Kuuriya ayaa la sheegay in hadda ay ka kaluumaysanayaan halka laga afduubay markabka Iiraan,waxaana looga digay in ay ka dhawaadaan goobaha afduubku uu ka dhici karo.

Ugu dambeyn, sannadkii 2011-ka ayaa burcadbadeeddu afduubteen 28-markab, iyagoo qaaday 237- weerar oo qaar kamid ah ay guul-daraysteen ,waxaana weerarradan ay hoos u dhaceen ka dib markii howlgalo looga soo horjeedo burcad badeedda laga bilaabay xeebaha Soomaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]