
Jimco, Maarso 27, 2015 (HOL) — Inkastoo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan dowladda ay saddex maalmood ku sugnaayeen Dhuuso-mareeb si la isugu af-garto meesha lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaliya ayaa haddana waxaa weli tagan kala aragti duwanaan xoog leh.
Nabadoon Yuusuf Warsamed Ducaale oo ka mid ah odayaashii degmada Dhuuso-mareeb kula kulmay madaxweyne Xasan ayaa sheegay in odayaasha ku sugan xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-mareeb ay ku kala aragti duwan yihiin halka lagu qabanayo shirka dhismaha mamulka gobollada dhexe.
“Odayaasha ku sugan Galguduud way ku kala jaban yihiin meesha lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka Mudug iyo Galguduud lagu qabanayo. Waxgaradka qaarkood ayaa qaba in lagu qabto shirka Dhuuso-mareeb, halka kuwo kalena ay doonayaan in Cadaado lagu qabto,” ayuu yiri Nabadoon Yuusuf.
Sidoo kale, nabadoonka ayaa xusay in arrinta ku saabsan degmad lagu qabanayo shirka ay caqabad weyn noqotay; isla markaana madaxweynaha iyo ergooyinkii uu la kulmay ay isku af-garan waayeen oo ay ku kala tageen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay soo gaba-gabeeyay booqasho saddex maalmood ah oo uu ku tagay degmada Dhuuso-mareeb, isagoo aan weli ka hadlin wixii kasoo baxay kulammadii uu lasoo qaatay odayaashii uu kula soo kulmay Dhuuso-mareeb.
Dhanka kale, nabaddoonka ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku wargeliyay inuu dib ugu soo laaban doono Dhuuso-mareeb saddex maalmood kaddib, halkaasna laga sii wadi doono wada-xaajoodka ku saabsan halka lagu qabanayo shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Somalia.
“Xasan Sheekh wuxuu inoo sheegay inuu maqnaanayo saddex maalmood oo uu dib ugu soo laabanayo Dhuuso-mareeb; mana muuqato wax is-faham oo hadda rajo laga qabo… wixii ay noqoto uun baanan arkaynaa,” ayuu nabaddoonku hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu maalmihii uu ku sugnaa Dhuuso-mareeb wuxuu odayaasha kala hadlayay in shirka lagu qabto degmada Cadaado, taasoo ay odayaashu diideen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya