Dagaallo Khasaare sababay oo ka dhacay Gobollada Gedo iyo Galguudud

Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Dagaallo ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Gedo iyo Galguduud, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee AMISOM iyo Al-shabaab.

Saddex askari oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hafeey oo ku dhow degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha gaaray Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus sida ay dadka deegaanku sheegeen, inkastoo uu si iskiis ah u joogsaday, waxaana deegaankii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya.

Dhinaca kale, dagaal culus ayaa isna maanta ku dhexmaray deegaanka Ceel-Qooxle ee gobolka Galguduud cidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ka tirsan iyo xoogagga Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay markii Al-shabaab ay jidka u gashay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku wajahnaa degmada Ceelbuur oo ka mid ah gobolka Galguduud, halkaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay, inkastoo dagaalku uu ahaa mid culus oo m,uddo saacad ka badan socday, waxaana deegaankii dagaalku uu ka dhacay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isbahaysanaya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahan waxay howl-gallo ka wadeen deegaannada Koonfur kaga beegan gobolka Galguduud, iyagoo ku sheegay howlgalladooda mid ay ku doonayaan inay ku gaaraan degmada Ceelbuur.

Al-shabaab kama aysan hadlin dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Galguduud, deegaankaas oo ka mid ah deegaanadii ay Al-shabaab ka talinaysay muddada sannadaha ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya