Madaxweynaha Puntland oo Dalbaday in la isugu yeero Golaha Baarlamaanka

Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntalnd, C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay inuu dalbaday in la isugu yeero baarlamaanka Puntland si ay u yeeshan kulamadoodii.

Codsiga madaxweynaha waxaa warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka baarlamanaka Puntalnd oo sheegay in xilligaan ay isgu yeerayan baarlamaanka si fadhiyadoodii ay u furmaan.

Fadhiga xildhibaannada yeelanayan waxaa lugu sheegay in lagu doonayo sidoo ay  u ansaxin lahaayeen miisaaniyada maamulka Puntland uu ku shaqeyn doono 2014-ka.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Siciid Xasan Shire ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in xildhibaannadu soo xaadiraan xarunta baarlamaanka taariikhdu markay ku beegan tahay 30-ka bishan an ku jirno ee Maarso si loo guda galo akhrinta iyo ka doodidda miisaaniyadda ay soo gudbiso wasaaradda maaliyadda.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu horay u sheegay in lala xisaabtamayo gabi ahaan wasaaradaha xukuumadda si loo dar-dar-galiyo shaqooyinka ay qabanayaan.

Haddaba halkan hoose ka akhri wareegtadii kasoo baxaday afhayeenka Baarlamaanka:

 

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya