Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia ahna madaxa AMISOM, danjire Maxamed Saalax Anaadiif oo ka hadlayay kulanka golaha ammaanka iyo nabadglayada Midowga Afrika ee Addis Ababa ka socda ayaa dalbaday in ciidamada AMISOM lagu caawiyo diyaarado ay Al-shabaab klua diriraan.
Mar uu ka hadlayay dagaalka Soomaaliya ka socda ayuu sheegay inuu hadda ku dhaw yahay heer gabo-gabo ah maadaama Al-shabaab laga qabsanayo degaanno ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, hase ahaatee waxay AMISOM u baahan tahay taageero dheeraad ah.
“Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya guulo ayay ka gaareen howlgallada ay ka wadaan qaybo ka mid ah Soomaaliya, balse waxaan u baahanahay taageero dheeri ah, waaana si gaar ah ugu baahannahay 12 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah oo aan howgallada u adeegsano,” ayuu yiri dajire Anaadiif.
Ma ahan markii ugu horeysay oo AMISOM ay dalbato diyaarado ay kula dagaalanato Al-shabaab, balse weli ma jiro cid ku taageertay diyaarado, iyadoo ciidamada Kenya oo qayb ka ah AMISOM ay dagaallada u adeegsadaan diyaarado ay iyagu leeyihiin.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horay u ansixiyay in lagu taageero AMISOM diyaarado dagaal oo ay ku xoojiyanaan howlgallada ay uga horjeedaan Al-shabaab, taasoo aan weli la meel-marin.
Hadalka danjire Maxamed Anaadiif ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen degmooyin dhowr ah oo ay ugu dambeysay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.
Lama oga sida uu ku fuli karo dalbada ergayga Qaramada Midoobay uu ka jeediyay shirka golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika oo ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya