Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ergayga Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Nichlos Kay ,waxaana ay ka wada -hadleen arimo ku saabsan howl-gallada ka socda qaybo kamid ah koonfurta dalka .
"Jabuuti waxa ay kor u qaadaysaa dadaallada ay dib ugu dhisayso nabadda iyo xasiloonada Soomaaliya oo dowladda hadda jirta ay hormuud ka noqon doonto," ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ka dib markii uu soo dhamaaday kulanka labada masuul.
Nichlos Kay ayaa dowladda Jabuuti ku ammaanay kaaalinta ay ka ciyaartay xoraynta degmooyin horey ugu jiray gacanta kooxda Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda Soomaliya iyo howlgalka AMISOM.
"Ilaa inta kooxaha argagaxisada ah laga saarayo goobaha ay iminka kaga sugan yihiin dalka, waan taageeri doonaa dowladda Soomaaliya "ayaa mar kale lagu xusay warka ka so baxay dowladda Jabuuti.
Kulanka dhex-maray madaxweyne Geelle iyo Nichlos Kay oon ahayn kii ugu horeeyay ayaa lagu soo hadal qaaday arimo ku saabsan xaaladda geeska Afrika iyo sidii dowladaha ku yaalla ay isaga kaashan lahaayeen in Soomaaliya laga tageero dhinaca nabadda .
Soomaaliya ayaa iminka ka soo kabanaysa colaado sokeeye oo waqti badan soo jiitamayay ,kuwaasi oo ay ku naf-wayeen kumanaan ruux, waxaana maalmo ka hor madaxweynaha Jabuuti uu sheegay in dowladdiisa ay laba jibbaarayso dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]