Madaafiic khasaare geystay oo lagu duqeeyay degmooyin ka tirsan Muqdisho

Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Inta la ogyahay afar ruux oo qoys kasoo wada-jeeda ayaa ku dhaawacmay madaafiic xalay siyaabo kala duwan loogu duqeeyay degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir.

Maafiicdan oo aan illaa hadda jirin cid sheegatay mas’uuliyadooda ayaa ku dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Hodan, iyadoo qoyska dhaawacmay ay ka mid ahaayeen dad daggan kaam ku dhow Tarabuunka.

Qoyskan oo ka kooban hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashay oo aad u da’yar ayaa waxaa maanta ku booqatay isbitaal lagu daweynayo marwada madaxweyanha Soomalia, iyadoo sheegtay inaysan garanayn sababta madaafiicda loogu duqeynayo goobaha ay shacabku daggan yihiin.

“Anigu ma garanayo sababta madaafiicdan loogu soo hoggaaminayo meelaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, balse waxaan u arkaa inay qayb ka yihiin dhibka ay Al-shabaab ku hayso bulshada,” ayay tiri Qamar Cali Cumar oo qoyska deeq lacageed gaarsiisay.

Hooyada qoyskan oo iyaduna saxaafadda la hadashay ayaa ka mahadcelisay deeqda ay gaasiisay marwada madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo hooyadu ay sheegtay in dhaawacyadoodu ay kala duwan yihiin.

“Xalay xilli aan hurudnay ayaa waxaa nagu soo dhacay madfacan, aniga iyo saddex ka mid ah caruurtayda ayaana ku dhaawacmay, runtiina xaaladeenu aad ayay u wanaagsan tahay,” ayay tiri hooyada oo ka warbixinaysay xilliga uu dhaawacyada u geystay madfaca.

Dhanka kale, lama oga khasaaraha ay geysteen madaafiicda ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida Buulo-xuubeey, agagaarka Villa Baydhabo iyo xaafado kale.

Al-shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda duqeymo ka dhacay Muqdisho oo waxyeello geystay, iyadoo sheegtay in duqeymahan ay qayb ka yihiin dagaalka ay kula jirto dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya