Talaado, Maarso 25, 2014 (HOL) — Ciidanka maamulka gobolka Hiiraan oo ay kaabayaan kuwa midowgga Africa AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya, ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Saraakiisha qeybta ka ah howlgalka lagula dagaallamayo Al-shabaab ayaa HOL u xaqiijiyay in ay la wareegeen degmada Maxaas oo qiyaastii 105 dhinaca bari kaga beegan magaalada Beledeyne.
Sarkaal u hadllay ciidamada ayaa sheegay sheegay in ay si nabad ah ula wareegeen degmada kadib markii ay halkaa isaga baxeen dagaalyahannadii ku sugnaa oo aan la ogeyn halka ay wajaheen.
''Degmada hadda waa ay xasiloon tahay waxaana soconaya howlgalo lagu baarayo walxaha qarxa oo laga yaabo in ay uga tageen Al-shabaab,'' ayuu yiri Max'ed Saney oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysa howlgalka lagula wareegay degmada Maxaas.
Kooxda Al-shabaab ayaa marka la eego xiligan gobolka Hiiraan waxaa ganactooda ku jira degmada Jalalaqsi oo aan wax badan aan ka fogeyn degmada Buula-burte waxaana ay sheegeen saraakiisha ciidamada in dhawaan ay ku wajahan yihiin degmada Jalalaqsi.
Bishan aynu ku jjirno ayaa Al-shabaab waxaa ay lumiyeen maamulka degmooyinka Xudur, Buula-burte iyo Qoryooley oo ka kala tirsan gobollada Bakool, Hiiraan iyo Shabellaha hoose, waxaana sidoo kale ka mid ah degmooyinka gacantooda ka baxay Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya