4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Taliyeyaasha cusub ee Hay’adda Nabadsugiddaiyo Booliiska Soomaaliya oo maanta loo dhaariyay xilalkooda (SAWIRRO)


Axad, May 05, 2013 (HOL) — Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay maanta taliyaha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana dhaarinta goob-joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha nabadsugidda, C/kariin Daahir Siciid (Saacid) iyo taliyaha booliiska, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa waxaa dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, iyadoo labadan mas’ul la dhaariyay iyadoo aan la hogeyn baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan mas’uul kula dar-daaray inay dar-dargeliyaan howlaha ammaanka dalka, isagoo ku boorriyay inay howsha kasii wadaa halkii ay soo gaarsiiyeen taliyeyaashii hore.

“Waxaan la idinka doonayaa inaad xoojisaan ammaanka dalka, waxaana la idiin magacaabay in isbedel muuqda laga dareemo dhinaca ammaanka, howsha aad haysaanna waa mid culus, waxaana rajeynaynaa inaand kasoo bixi doontaan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri taliyeyaasha la dhaariyay.

Labadan mas’uul ayaa waxaa lagu ansixiyay magacaabiddooda shirkii ay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya yeesheen toddobaadkii lasoo dhaafay, iyadoo madaxda dowladda ay horay u sheegeen inay isbedel weyn ku sameyn doonaan hoggaanka hay’adaha ammaanka dalka.

Dowladda Soomaaliya oo jirta sideed bilood ah ayaa waxay weli la daalaa-dhacaysaa sugidda ammaanka Muqdisho, iyadoo ay ka dhacayaan qaraxyo qorsheysan iyo dilal loo geysto mas’uuliyiinta dowladda, kuwaasoo ay mas’uuliyadooda sheegato Al-shabaab.

Taliska milateriga Soomaaliya ayaa dhawaan loo magacaabay taliye iyo abaanduule cusub, kaddib markii xilalka laga qaaday taliyihii hore iyo ku xigeenkiisii, iyadoo aysan muuqan wax isbedel ah oo la taaban karo.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya