3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
MADAXWEYNE SIILAANYO “Illaa hada Ma jirto cid Ictiraaf buuxa noo Fidisay Balse Dunida way inala macaamishaa” (SAWIRRO)


Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisi oo dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay inay guul u ahayd safarkan uu dhawrka todobaad ku tagay dalal badan oo caalamka, isla markaana ka soo dhaadhiciyey qadiyada madax bananidda Somaliland.

Madaxweynaha oo maanta dadweyne aad u farobadani magaaladda Hargeysa ku soo dhoweeyeen, ayaa sheegay  inuu dalalkaasi uu tagay danaynayaan Somaliland inay la macaamilaan, haseyeeshee aanay wali jirin cid ku dhiiratay inay ictiraafto.

“Waxaanu Tagnay Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, waxaanu safarkaasi oo dheeraa u ahaa mid ku saabsan danaha qaranka Somaliland, waxaanu daafacaynay ama ka dhaadhicinaynay oo aanu dunida fahansiinayna Qadiyada Somaliland waxay ku fadhido iyo himilooyinka ay ummaddu leedahay”ayuu yidhi madaxweyne Sillaanyo oo ka hadlayey safarkiisii iyo wixii u soo qabsoomay, waxanu intaas ku daray “ waxaanu safarkaasi kala kulanay in lana soo dhoweeyo oo la ina dhagaysto, waana dalal danaynaya Somaliland inay maalgashadaan ama yimaadaan doonaya, waxayna ahayd guul weyn ummaddeena usoo hoyotay, dabcan ilaa imika cidi kuma dhiiran inay ictiraaf buuxa ay inoo fidiso, laakiin dunida way inala dhaqantaa oo inala macaamiishaa, waana ta la inagu casuumayo ee la ina dhagaysanayo”



Mar wax laga waydiiyey inay qaadacadaasi shirka London ee uu diiday ay go’doon ku keeni karto Somaliland, wuxu yidhi “ Go’doon inagama dhigayaan oo waynakaa dunida tagayna oo dunida way inala macaamiishaa, laakiin ilaa markii ay Somaliland curay ictiraaf dunida inamay siin, dadaalka iyo adkaysigu inaga ayaa la inooga baahan yahay, go’aanka umadeena iyo in aynu ku adkaysano ilaa inta himiladeena meel ka gaadhayno oo aynu dunida fahansiinayno weeyi ”

Sidoo kale Waxa uu sheegay madaxweynuhu inuu kulan la yeeshay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, isla markaana ka wada hadleen xidhiidhka labadda dal iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa maanta si weyn loo soo dhoweeyey, waxaana wadooyinka dhinacyadeedda tubnaa boqolaal dadweyne, kuwaas oo lulayey calanka iyo sawirka madaxweynaha kuna dhowaaqayey erayo ay ku dhiirigalinayaan madaxweynaha, waxaanay maanta ka duwanayd doorarkii hore ee uu soo degi jiray, sidaa darteed marka aad dadweynaha waydiisid sababta keentay soo dhoweyntan balaadhan, waxay kugu jawaabayaan inay ku taageerayaan go’aankii uu ka qaatay shirka London ee Ingiriska qabanqaabinayo iyo shirkii Turkiga ee Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku dhexmaray Ankara oo ay aaminsan yihiin inay guul u ahayd Somaliland.







Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/5/2013 1:25 PM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Shir ay yeesheen saraakiishii hore ee RRA oo dib loogu soo nooleynayay jabhaddan ayaa muddo toddobaad ah ka socday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo shirakas looga hadlay arrimo fara badan.

5/5/2013 1:12 PM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo ka badan 3,000 oo doolarka Maraykanka ah ayaa la gaarsiiyey qoysas danab ama biriqi ay dhawaan ku waxyeellaysay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

5/5/2013 12:09 PM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay maanta taliyaha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana dhaarinta goob-joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

5/5/2013 11:49 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London ee xarunta Britain oo lagu wado inuu furmo maalinta Talaadada ah ee soo socota.

5/5/2013 9:30 AM EST
Xaflad lagu soo bandhigay buug cusub oo ay qortay Dahabo Cumar Maxamed oo ahaan jirtay dublamaasiyad kasoo shaqaysay xiriirka dibadda ee Soomaaliya xilligii dawladii kacaanka, gaar ahaanna safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd qaar kamid wadamada afrika ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya.

5/5/2013 9:03 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud oo dadweyne fara badan kula hadlayay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabigeed ay fashilisay qorshayaal badan oo Al-shabaab ay doonaysay inay ka fuliso Muqdisho.

5/5/2013 8:17 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku hanjabay inay weerarro kale oo cusub ka gysan doonaan caasimadda Soomaaliya.

5/5/2013 4:29 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay, askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda Qaranka, haweeney iyo cunug yar oo ay wadatay ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, sidoo kale 25-qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

5/5/2013 1:38 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u dhoofaan maanta magaalada London ee dalka Britain halkaasoo uu ka furmi doono shir looga hadlayo Soomaaliya maalinta Salaasadaha ah ee soo socota.

5/5/2013 1:23 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr ayaa warbixin maqal ah oo uu soo saaray kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin, weerarkii Muqdisho ee lala beegsaday maxkamadda, dastuurka, howgallada ka socda dalka, dastuurka iyo shirka London.