3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaadiid ay la socdeen Samafalayaal u dhashay dalka Qatar oo ka dhacay Muqdisho


Axad, May 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay, askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda Qaranka, haweeney iyo cunug yar oo ay wadatay ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, sidoo kale 25-qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

Weerarkan ayaa lala beegsaday gaadiid ay saarnaayeen samafalayaal dalka Qatar u dhashay iyo ciidammo ka tisran dowladda oo waday, waxaana mid ka mid ah gaadiidka la beegsaday lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

Ma jiraan khasaare kasoo gaaray weerarka samafalayaashii u dhashay dalka Qatar, kuwaasoo saarnaa gaari ka mid ah kuwa qaraxu qabsaday, waxaana ay gaariga ka dageen iyagoo bad-qaba.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel 100-tallaabo u jirta safaaradda dalka Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaana weerarka sheegatay kooxda Al-shabaab oo warbixin ay soo saareen ku sheegay inay beegsanayeen wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

"Baabuurka qarxay wuxuu ahaa mid yar, waxaana uu daba socday gaadiidka wafdiga waday, si kaddis ah ayuu ku qarxay, waxaan arkay dad badan oo ku daatay dhulka, runtii wuxuu ahaa qarax weyn oo dhawaanahan aan maqlin," ayuu yiri Cumar Salaad oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa isgoyska uu qaraxu ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo goobta soo gaaray ayaa sheegay inay ku dhinteen weerarkan in ka badan 10-qof oo uu ku jiro askari ciidamada nabadsugida ka tirsan, dad kale oo badanna ku dhaawacmeen, iyadoo ay ku dhinteen isbitaalka Madiina qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-shabaab, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid dhibaato loogu geystay dad shacab ah, laguna weeraray samafalayaal dalka u yimid inay caawinayaan dadka Soomaaliyeed.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay xilli waddooyinka Muqdisho oo uu ka mid ahaa Isgoyska KM-4 dib loo furay, kaddib markii hay'adaha ammaanka ay sheegeen inay heleen fariimmo sheegaya inay Al-shabaab doonayso inay qaraxyo ismiidaamin ah ka fuliso Muqdisho.

Hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab ayaa farriin uu soo diray wuxuu ku boorriyay dagaalyahanada kooxda inay xoojiyaan weerarrada ismiidaaminta ah ee ay la beegsanayaan madaxda dowladda iyo ciidamada AMISOM oo uu ku sheegay shisheeye soo duulay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/5/2013 1:25 PM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Shir ay yeesheen saraakiishii hore ee RRA oo dib loogu soo nooleynayay jabhaddan ayaa muddo toddobaad ah ka socday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo shirakas looga hadlay arrimo fara badan.

5/5/2013 1:12 PM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo ka badan 3,000 oo doolarka Maraykanka ah ayaa la gaarsiiyey qoysas danab ama biriqi ay dhawaan ku waxyeellaysay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

5/5/2013 12:09 PM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay maanta taliyaha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana dhaarinta goob-joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

5/5/2013 11:49 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London ee xarunta Britain oo lagu wado inuu furmo maalinta Talaadada ah ee soo socota.

5/5/2013 9:30 AM EST
Xaflad lagu soo bandhigay buug cusub oo ay qortay Dahabo Cumar Maxamed oo ahaan jirtay dublamaasiyad kasoo shaqaysay xiriirka dibadda ee Soomaaliya xilligii dawladii kacaanka, gaar ahaanna safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd qaar kamid wadamada afrika ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya.

5/5/2013 9:03 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud oo dadweyne fara badan kula hadlayay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabigeed ay fashilisay qorshayaal badan oo Al-shabaab ay doonaysay inay ka fuliso Muqdisho.

5/5/2013 8:31 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisi oo dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay inay guul u ahayd safarkan uu dhawrka todobaad ku tagay dalal badan oo caalamka, isla markaana ka soo dhaadhiciyey qadiyada madax bananidda Somaliland.

5/5/2013 8:17 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku hanjabay inay weerarro kale oo cusub ka gysan doonaan caasimadda Soomaaliya.

5/5/2013 1:38 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u dhoofaan maanta magaalada London ee dalka Britain halkaasoo uu ka furmi doono shir looga hadlayo Soomaaliya maalinta Salaasadaha ah ee soo socota.

5/5/2013 1:23 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr ayaa warbixin maqal ah oo uu soo saaray kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin, weerarkii Muqdisho ee lala beegsaday maxkamadda, dastuurka, howgallada ka socda dalka, dastuurka iyo shirka London.