4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo lagu wado in ay u dhoofaan Magaalada London ee dalka UK


Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u dhoofaan maanta magaalada London ee dalka Britain halkaasoo uu ka furmi doono shir looga hadlayo Soomaaliya maalinta Salaasadaha ah ee soo socota.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dalal fara badan oo kuwa deeqaha bixiya ah, iyadoo ay guddoomin doonaan madaxweyanha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka Britain, waana shirkii labaad ee Somalia loogu qabto magaalada London.

Diyaagarow lagu soo dhaweynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wuxuu ka socdaa magaalada London, iyadoo socdaalkan uu noqonayo kii labaad oo uu madaxweynuhu ku tago dalkaas tan iyo markii xilkan loo doortay muddo sideed bilood laga joogo.

“Shirka London waa ka duwan yahay shirkii hore, waayo shirkii hore waxaa qabtay dowladda Britain, balse midkaan innaga ayaa codsannay innaga ayaana hoggaanka u qabanayna,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo xildhibaannada baarlamaanka toddobaadkii hore warbixin ka siinayay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ajandayaasha shirkaas ay horgeyn doonaan ay ka mid noqondaan siyaasadaha dowladda ee ay ku doonayso inay wax kaga qabato dalka, qorshaha la dagaalanka kufsiga iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda dalka.

Waxaa lagu wadaa in shirku socdo hal maalin, waxaana dowladda Britain ay sheegtay inay ku rajo-weyn tahay in qodobbada kasoo baxaya shirkaas ay noqdaan kuwo wax wanaagsan ka tara dib u dhiska iyo soo celinta amniga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ah tii ugu horreysay oo rasmi ah muddo 22-sano ah kaddib ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtay inay dib u soo celiso xiriirka kala dhexeeya dunida; waxayna sidoo kale dadaal ugu jirtaa inay soo celiso ammaanka guud ee dalka inkastoo Al-shabaab ay weli deegaanno badan ka taliso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya