12/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Shir dib lagu soo nooleynayay Ururkii RRA oo lagu qabtay deegaan ku yaalla duleedka Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

Axad, May 05, 2013 (HOL) — Shir ay yeesheen saraakiishii hore ee RRA oo dib loogu soo nooleynayay jabhaddan ayaa muddo toddobaad ah ka socday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo shirakas looga hadlay arrimo fara badan.

Deegaanka shirka lagu qabtay oo lagu magacaabo Dhanqooq oo 15-km u jira Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin: dhibaatooyinka haysta bulshada ku abrtisata Digil iyo Mirifle, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo halka ay dowladda Somalia ka taagan tahay shirka ka socda Kismaayo iyo kuwo kale.

Todabaad uu shirkan socday kaddib ayaa waxaa sidoo kale ooga hadlay maamul xumada iyo musuqmaasuqa hareerayay dowladda Soomaaliya oo ay si gaar ah ugula kacday beelaha Digil iyo Mirifle, iyagoo codsaday inay wax ka bedesho dowladda habka ay awoodaha xukuumadad ku qaybisay.

Shirka ayaa lagu magacaabay maamul KMG ah oo ay yeelato RRA iyadoo loo doortay guddoomiyaha jabahadda Cabdi Axmed Aadan (Tegta) iyadoo sidoo kale isla goobtaas lagu magacaabey guddoomiye ku xigeenka RRA oo loo magacaabay Maxamed Axmed oo loo yaqaan (Dhiirrane) iyo taliyaha RRA ee dhinaca ciidamada oo iyadana loo magacaabay Maxamed Guud Mad Gaashaan.

Mas’uuliyiinta la magacaabay kuwii shirka goobjoogga ka ahaa waxay ugu dambeyn ku taliyeen in lasoo celiyo halgankii RRA, sida uu warfideennada u sheegay guddoomiyaha KMG ah ee RRA Cabdi Tegta.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
5/5/2013 1:12 PM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo ka badan 3,000 oo doolarka Maraykanka ah ayaa la gaarsiiyey qoysas danab ama biriqi ay dhawaan ku waxyeellaysay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

5/5/2013 12:09 PM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay maanta taliyaha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana dhaarinta goob-joog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

5/5/2013 11:49 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London ee xarunta Britain oo lagu wado inuu furmo maalinta Talaadada ah ee soo socota.

5/5/2013 9:30 AM EST
Xaflad lagu soo bandhigay buug cusub oo ay qortay Dahabo Cumar Maxamed oo ahaan jirtay dublamaasiyad kasoo shaqaysay xiriirka dibadda ee Soomaaliya xilligii dawladii kacaanka, gaar ahaanna safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd qaar kamid wadamada afrika ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya.

5/5/2013 9:03 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud oo dadweyne fara badan kula hadlayay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabigeed ay fashilisay qorshayaal badan oo Al-shabaab ay doonaysay inay ka fuliso Muqdisho.

5/5/2013 8:31 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisi oo dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay inay guul u ahayd safarkan uu dhawrka todobaad ku tagay dalal badan oo caalamka, isla markaana ka soo dhaadhiciyey qadiyada madax bananidda Somaliland.

5/5/2013 8:17 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku hanjabay inay weerarro kale oo cusub ka gysan doonaan caasimadda Soomaaliya.

5/5/2013 4:29 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 12-qof oo uu ku jiro qofkii qaraxa fuliyay, askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda Qaranka, haweeney iyo cunug yar oo ay wadatay ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, sidoo kale 25-qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.

5/5/2013 1:38 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay u dhoofaan maanta magaalada London ee dalka Britain halkaasoo uu ka furmi doono shir looga hadlayo Soomaaliya maalinta Salaasadaha ah ee soo socota.

5/5/2013 1:23 AM EST
Axad, May 05, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr ayaa warbixin maqal ah oo uu soo saaray kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin, weerarkii Muqdisho ee lala beegsaday maxkamadda, dastuurka, howgallada ka socda dalka, dastuurka iyo shirka London.