4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
Daah-furka Buug cusub oo ay Qortay Dahabo Cumar oo lagu qabtay xarunta Dalka Kenya ee Nairobi (DAAWO SAWIRRO)

DPP_0022.jpg
Qoraaga buugga: Dahabo Cumar Maxamed


Axad, May 05, 2013 (HOL) - Xaflad lagu soo bandhigay buug cusub oo ay qortay Dahabo Cumar Maxamed oo ahaan jirtay dublamaasiyad kasoo shaqaysay xiriirka dibadda ee Soomaaliya xilligii dawladii kacaanka, gaar ahaanna safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd qaar kamid wadamada afrika ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya.

Waxaana xaflada daahfurka buuggan kasoo qaybgalay dad isugu jira siyaasiyiin,saxafiyiin iyo sidoo kale xubno ka tirsan ururada haweenka.

Buuga ayay qoraagu diiradda ku saaraysaa sida loo hormarin karo waxqabadka hay’adaha dawlada Soomaaliya ee qaabilsan adeegyada dadweynaha (Improving Public Sector  Performance in Somalia), kuwaasoo sida ku qoran buuga cilmi baaris ay samaysay qoraagu ay ku ogaatay in loo baahanyahay  tababar kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha hay’adaha dawlada oo xilligan ay haysato khibrad yari ku aadan shaqooyinka ay qabtaan.

Waxayna Dahabo buugeedan kaga hadlaysaa xog aruurin ay ka samaysay wasaaradaha kala duwan ee dawlada Soomaaliya oo ay sheegtay in uu ka jiro is dhex yaac dhinaca maamulka ah, loona baahanyahay in si wanaagsan loo kala qaado awoodaha iyo masuuliyadaha ay kala leeyihiin shaqaalaha dawlada ee ka shaqeeya xafiisyada guud ee dalka, si loo helo maamul wanaag.

DPP_0042.jpg

Buuggan oo ku qoran af-ingiriis ayay intiisa badan qoraagu talooyin ugu soo jeedinaysaa madaxda Soomaaliya, inay la yimaadaan siyaasad cad oo ku aadan horumarinta hay’adaha guud ee dalka, iyo sidoo kale siyaasado dhaqaale oo ogolaanaya in maalgashi ay dalka ku samaysan karaan ajaanibta iyo in ay dawladu dajiso shuruuc adag oo ka hor istaagaya inay gacanta ku dhigaan ajaanibtu ilaha dhaqaalaha ee dalka.

Goobta buuga lagu soo bandhigayay oo ay hadallo ka jeediyeen qaar kamid ah kasoo qaybgalayaashii xaflada, ayaa waxaa ka hadlay Xassan Shire oo ah aqoonyahan u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, wuxuuna ammaan u soo jeediyay qoraaga oo uu sheegay inay buugeeda ku soo gudbisay xog cilmiyaysan oo loo baahnaa.

Shukri Maxamuud Afrax oo ah saxafiyad caan ah, oo kamid ahayd gabdhihii ka shaqayn jiray taleefishinkii qaranka Soomaaliya xilligii dawladii hore ay dalka ka talinaysay ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dadka aqoonyahanka ahi ay wax ka qoraan dhibaatooyinka dalka haysta iyo sidii xal loogu heli lahaaba.

Waxaa sidoo kale goobtaas ka hadashay Madiino Caamir oo sheegtay in loo baahanyahay xilligan in Soomaalidu ay xooga saaraan sidii loo dhiiri galin lahaa dawladnimada Soomaaliya, buuganna uu dawlada Soomaaliya iyo shacabkaba uu u leeyahay wax tar badan oo uu xambaarsanyahay talooyin wax ku ool ah.

DPP_0001.jpg
DPP_0004.jpg
DPP_0021.jpg
DPP_0041.jpg
DPP_0039.jpg
DPP_0040.jpg
DPP_0036.jpg
DPP_0044.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya