4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2013
XASAN SHEEKH: “Dowladdu Waxay Fashilisay Qorshayaal oo Al-shabaab ay doonaysay inay fuliso Muqdisho” (SAWIRRO)


Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud oo dadweyne fara badan kula hadlayay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabigeed ay fashilisay qorshayaal badan oo Al-shabaab ay doonaysay inay ka fuliso Muqdisho.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in qorshayaal kale oo badan ay jiraan ayna ku dabo-jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwii la fashilyay ee la qabtayna loosoo bandhigi doono dhawaan shacabka Soomaaliyeed si ay u arkaan.

“Al-shabaab waxay doonaysaa inay dadka ku nool Muqdisho iyo dalka oo dhan ay layso, kuna noolaadaan dhibaato iyo rafaad, balse dowladda oo garab ka helaysa shacabkeeda ayaa waxay fashilisay qorshayaal badan oo ay damacsanayd kooxdan inay ka fuliso Muqdisho,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday qaraxii Ismiidaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho, kaasoo uu sheegay in Al-shabaab ay la beegsatay samafalayaal walaalo ah oo doonayay inay ka shaqeeyaan sidii ay shacabka Soomaaliyeed wax u qabtaan oo ay kaalmeeyaan, kana caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen, caafimaad, waxbarasho iyo biyo nadiif ah.

“Weli dhagar-qabayaashu waxay maleegayaan weerarro kale, dowladdu ma ogolaan doonto inay fusad kale u helaan inay dad shacab ah laayaan wayna ka hortagaysaa. Waddooyinkii xirnaana waxay ahaayeen waxyaabaha looga hortagayay qaraxii maanta dhacay oo kale,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia wuxuu u mahadceliyay taliyeyaashii hore ee nabadsugidda qaranka iyo booliiska, isagoo kuwa cusubna kula dar-daarmay inay howsha halkeeda kasii wadaan, ayna ka shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed nabad buuxda.

Xafladda lagu qabtay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ahayd mid lagu taageerayay dowladda, iyadoo degmadaas maalmo ka hor loo magacaabay guddoomiye cusub oo bedelay guddoomiyihii hore.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya