3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2013
Baladweyne oo si weyn loogu diyaargaroobayo Xusaska Maalmaha Xoriyada Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo Bishan ku beegan

Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Qaban-qaabo xoog leh iyo diyaar garoow loogu jiro maalmaha xorriyada Soomaaliya Jabuuti oo ku beegan 26 Juun, 27, Juun iyo 01 Luulyo ee nagu soo foolka leh ayaa ka socta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan gaar ahaan kan degmada Baladweyne, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo ururka hormarinta dhalinyarrada gobolka oo iska kaashanaya xuska maalmaha xorriyada Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa ku howlan sidii loo qaban lahaa fantisyo waaweyn maalmahaas qiimo badan u leh labada dal.

Guddoomiyaha ururka hormarinta dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max'ed C/llaahi Buuraale Raaxeeye ayaa HOL u sheegay in ay ku howlan yihiin qaban-qaabada iyo diyaar-garoowgga loogu jiro maalmaha xorriyada, isaga oo sheegay in ay u maamuusi doonaan si ka duwan kana heer sareysa sidii loo xusi jiray sanadihii hore.

“Sida aad la soctaa waxaa nagu soo fool leh maalmo qiimo badan u leh labada dal Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay ka xorroobeen gumeystihii Ingariiska, Faransiiska iyo Talyaaniga, xuskan waxaa uu noqon doonaa mid ka duwan munaasabadihii sanadihii hore lagu maamuusi jiray,'' ayuu yiri guddoomiyaha ururka hormarinta dhalinyarrada gobolka Hiiraan,'' Max'ed C/llaahi Buraalle Raaxeeye.

Mas'uuliyiinta maamulka degmada Baladweyne ayaa sheegay in ay maalmaha xorriyada ee nagu soo foolka leh ku maamuusi doonaan, Suugaan, Tartamo Isboorti, Hidyo dhaqan, iyo in la weyneyno calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa dhinacooda ku howlan qaban-qaabada xuska 27 Juun oo ah waqtigii ay ka xorroobeen gumeystihii Faransiiska, iyadoo magaalda Baladweyne ay ku sugan yihiin ku dhawaad 1000 askari oo ka socda dowladda Jabuuti.

Dhinaca kale, saacadihii aynu soo dhaafnay magaalada Baladweyne waxaa ka jiray howlgalo lagu sugayo amniga oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah, iyaga oo sheegay saraakiisha booliiska maamulka gobolka in howlgalkan qeyb ka yahay diyaar garoowga loogu jiro xuska munaasabadaha nagu soo foolka leh si looga hortago falalka amniga ka dhanka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
6/23/2013 10:38 AM EST
Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Mashruuc dhismayaal cusub looga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lasoo bandhigay maanta, iyadoo la sheegay in dhismayaashan ay yihiin xaafad cusub oo ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri.

6/23/2013 10:20 AM EST
Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka MIDNIMO ee Puntland, ayaa eedeyn dusha uga tuuray guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, isagoo sheegay in ay jidkii saxda ahaa ka leexdeen.

6/23/2013 9:35 AM EST
Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay iska dhaga-mariyeen maamulka hoteellada magaalada Baladweyne amar hore loogu siiyay in ay soo gudbiyaan liiska dadka macaamiisha ah ee seexda hoteellada, taasoo qeyb ka ah sida ay sheegeen howlgalada lagu sugayo amniga magaalada Baladweyne.

6/23/2013 6:35 AM EST
Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa maanta tababar uga furtay xarunta gaadiidka booliiska Soomaaliya ee Muqdisho 100 sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya, kaasoo socon doona muddo laba todobaad ah.

6/23/2013 6:31 AM EST
Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Waxaa si habsami leh uga soconaya garoonka Lama-galaay ee Baladweyne tartanka Koob uu dhigay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray heer gaba-gabo ah kadib markii ay isku awood sheegteen sideed kooxood oo ka dhisan afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne oo tartanka ka qeyb-gashay.

6/23/2013 3:13 AM EST
Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca nabadgalyada, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid sugan ayna gacanta ku hayaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

6/23/2013 2:58 AM EST
Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa sheegtay in 14 milyan oo Pound ay ku bixinayso dhismaha xabsiga weyn ee magaalada Muqdisho iyo maxakamdo dambiyada, si loogu maxkamadeeyo kuwa lagu helo falalka la xiriira burcad-badeednimada iyo argagaxisada.