4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2013
Dr. Saadaq Eenow: "Guddiga Doorashooyinka Puntland Waxay Baal-mareen waddadii saxda ahayd ee Doorashooyinka"

Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka MIDNIMO ee Puntland, ayaa eedeyn dusha uga tuuray guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, isagoo sheegay in ay jidkii saxda ahaa ka leexdeen.

Dr. Saadiq Eenow - oo xilligan ku sugan degmada Qardho- ayaa maanta mar uu war-baahinta maxalliga ah la hadlayey, wuxuu tilmaamay in guddiga doorashooyinku uu si bareer ah dastuurka Puntland u baalmaray.

“Guddiga doorashooyinka anagoo tix gelineyna, garowsanna mas'uuliyadda culus ee ay hayaan, waxan caddeyneynaa in waddada ay ku socdaani ay tahay waddo khaldan; ama ula kac haka ahaato; ama si kaleba haka noqotee" Dr. Saadiq ayaa yiri.

Edeymaha uu guddoomiyaha urur-siyaasadeedka MIDNIMO usoo jeediyey guddiga doorashooyinka ee Puntland waxaa ugu muhiimsanaa: in ay iska indho tireen dastuurka, gaar ahaan qaybihiisa la xiriira qaabka ay doorashadu u dheceyso iyo in ay garab mareen xeerka gaarka ah ee uu guddiga doorashooyinku ku shaqeynayo.

Dr. Saadiq ayaa sidoo kale ku eedeeyey guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, in aysan dhex-dhexaad ahayn, islamarkaana ay ka gaabiyeeen in ay si furan oo wadahadal iyo talo wadaag ku dhisan ula shaqeeyaan ururada siyaasadda.

Ururka MIDNIMO oo kamid ah lixda urur-siyaasadeed ee xilligan ka jira Puntland, wuxuu dhowr mar oo hore sheegay in uusan ka qayb geli doonin doorashada goleyaasha deegaanka ee soo aaddan, isagoo taas sabab uga dhigay in ay meesha ka maqan yihiin arimo badan oo habsami u socodka doorashada lagama maarmaan u ah.

Doorashada goleyaasha deegaanka ayaa sida ay guddiga doorashooyinku horay u shaaciyeen waxay ka qabsoomi doontaa dhammaan gobollada Puntland marka la gaaro 15-ka bisha soo socota ee July, waxayna noqonaysaa tii ugu horeysey ee ka dhacada deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntland, laga soo bilaabo markii la asaasay sanadkii 1998.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya