4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2013
Dowladda Britain oo Malaayiin Pound ku Bixinaysa Dhismaha Xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo Maxkamadda Dambiyada

Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa sheegtay in 14 milyan oo Pound ay ku bixinayso dhismaha xabsiga weyn ee magaalada Muqdisho iyo maxakamdo dambiyada, si loogu maxkamadeeyo kuwa lagu helo falalka la xiriira burcad-badeednimada iyo argagaxisada.

Xukuumadda Ingiriiska ayaa wadda qorshe ay ku doonayso sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa nidaam sahlaya qaadista dacwadaha burcadbadeedda iyo argagaxisada, kuwaasoo badi ku jira xabsiyo ku yaala dalalka calaamka.

Wasiirradda horumarinta caalamaiga ah ee Britain, Justline Greening ayaa u sheegay warbaahinta dalkeeda in dalkeedu uu diyaar u yahay bixinta lacag dhan 14 milyan oo Pound si Soomaaliga looga saacido arrimaha la xiriira dib u dhiska xabsiga weyn ee Muqdisho iyo sameynta maxkamadda dambiyada oo noqon doonta mid guur-guurta.

“Hadafkeennu waa in la helo nidaam sahlaya qaadista dacwadaha ka dhanka ah burcadbadeedda iyo argagaxisada,” ayay tiri Greening oo intaas raacisay in qorshahoodan ay ku dhisayaan xabsiyada y qayb ka tahay inay Soomaali fara badan oo xabsiyada dalkooa ku jira ay dib ugu celiyaan Soomaaliya si halkaas loogu xabiso.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in qorshahooda ugu weyn uu yahay inay dayactir xooggan ku sameeyaan xabsiga weyn ee Muqdisho oo dhisme ay ugu dambeysay 180-sano ka hor.

“Xabsiyada dalka Britain waxaa ku jira ku dhawaad 400-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo loo haysto dambiyo kala duwan. Haddii aan dib u dhisno waxaan doonaynaa inaan dadkaas u soo qaadno Soomaaliya si ay xabsiyadooda ugu dhameystaan halkaas,” ayay hadalkeeda raacisay.

Dowladda Britain ayaa waxay labadii sano ee ugu dambeysay isha ku haysay Soomaaliya, iyadoo horay ugu qabatay laba shir oo waaweyn, kuwaasoo dhaqaale loogu ururinayay dowladdii KMG ahayd ee hore iyo dowladda hadda jirta ee rasmiga ah.

Soomaali fara badan oo maxaabiis ah ayaa ku jira xabsiyo kala duwan oo ku yaalla caalamka, kuwaasoo loo haysto falal argagaxiso iyo kuwo la xiriira burcad-badeednimo, iyagoo sidoo ay jiraan kuwo dambiyo kale u xiran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya