
Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Wasiiradda wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada xukuuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu soo laabatay Muqdisho, kadidb safaro ay toddobaadyo ku maraysay dalalka Turkiga iyo Tuuniisiya, waxaana la socday wufuud ka socday dowladda Turkiga uu u kuurlgalaya sidii horumarin loogu sameyn lahaa dalka.
Wasiiradda iyo wafdiga la socday ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wasiirro, xidlhibaanno, agaasimeyaal, bahda isboortiga ee GOS iyo dadweyne kale, iyadoo wasiirraddu ay saxaafadda kula hadashay garoonka diyaaradaha.
“Muddadii aan maqnaa waxaan kulammo lasoo qaatay; ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, wasiirka caafimaadka, wasiirka arrimaha qoyska, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Turkiga, waxaana dhammaantood kala hadlay qodobbo khuseeya iskaashiga labada dal iyo taakuleynta shacabka Soomaaliyeed,” ayay wasiiraddu ku sheegtay shirkii jaraa’id ee ay saxaafadda u qabatay.
Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay inay booqasho ku tagtay intii ay joogtay dalka Turkiga meelaha ay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan ay wax ka bartaan, ayna u riyaaqday sida ay wax u baranayaan.
“Dalka Tuuniisiya waxaan waxaan kaga qaybgalay kulan looga hadlay wax-barashada, madaxdii kulankaas kasoo qayb-gashay waxaan kala hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya Soomaaliya,” ayay wasiiraddu hadalkeeda ku dartay.
Ugu dambeyn, wasiirraddu waxay sheegtay in wafdiga ka socda Turkiga ay doonayaan inay booqdaan wasaaradda horumarinta iyo adeegga Bulshada ee Soomaaliya si ay ugu kuurgalaan howlaha ay bushada Soomaailyeed u hayso.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Wasiiradda Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada iyo xubno ka tirsan dowladda Turkey ah oo Magaalada Muqdisho soo gaaray
More News
- MSF oo weydiisatay Dowlada Soomaaliya inay baaritaan dhab ah ku sameyso sii-daynta gacan-ku-dhiigle dilay Shaqaalahooda
- Munaasabad uu xilka kula wareegayay Xoghayaha cusub ee Dowladda Hoose ee Laascaanood oo Maanta dhacday
- Hoggaamiye ka tirsan Burcadbadeedda Soomaaliya oo shaaciyay in isaga iyo kooxdiisa ay joojiyeen Burcad-badeednimada
- Duqa Magaalada Muqdisho oo shaaciyay inay duminayaan dhismayaasha aan sharciga ahayn Muqdisho ku yaalla
- Ciidammo ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca oo Daweyn loogu qaaday dalka Itoobiya
- Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay degmada Saylac kaddib isku-soo-bax ka dhacay degmadaasi
- Madaxweynaha Somaliland oo Maanta dhaqan-galiyey laba xeer oo uu ku jiro xeerka Sirdoonka oo Warbaahintu ka cabatay
- MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN FAROOLE: "Isku dhejin mayno xilka, Dikteytar Maahin, Dastuuri baan nahay"
- Sannadguuradii Afaraad ee kasoo Wareegtay Doorashadii Madaxda Puntland oo Magaalada Boosaaso lagu qabtay
- COL. CISMAAN DUBBAD: Ammaanka Magaalada Beledweyne wuxuu si aad ah uga wanaagsan yahay sidii hore”
- Madaxweynaha Puntland oo ka digay dib u habeyn lagu sameeyo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Video: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Booqatay qaar ka mid ah Guryihii qaranka Soomaaliyeed ku lahaa magaalada Rome