Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlusunna ee ku sugan gobolka Gedo oo dhawaan ay ka dhaceen dagaallo culus ayaa maanta loo dhoofiyay dalka Itoobiya si loogu soo daweeyo.
Sidoo kale, waxaa iyagana laga dhoofiyay shalay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo askari Itoobiyaan ah oo ku dhaawacmay dagaalka oo ahaa mid culus oo Al-shabaab iyo ciidamada dowladda, Ahlusunna iyo kuwa Itoobiya ku dhexmaray deegaano u dhexeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq.
Afhayeenka xoogagga Ahlusunna ee Koonfurta Soomaaliya, Sheekh Max’ed Xuseen (Al-Qaaddi) ayaa warbaahinta u sheegay isagoo ku sugan xarunta gobolka Gedo in askartan oo lix ah ay dhaawacyo culus kasoo gaareen dagaallo Al-shabaab ay kula galeen inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Garbahaareey.
“Rajo weyn ayaan ka qabnaa in askartan daweyntooda lagu guuleysto, maadama ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo aad u daran, ayna dib ugu soo laabtaan howlahooda,” ayuu yiri Al-Qaaddi.
Maalimihii Sabtidii iyo Axaddii toddobaadkan ayaa waxaa deegaanno u dhexeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq ka dhacay dagaallo culus oo ay ku dhinteen dad ka badan 50-qof oo labada dhinac, iyadoo aan la ogeyn khasaarah rasmiga ah ee kasoo gaaray ciidamada Itoobiya.
Inkastoo aysan ahayn markii dalka dibaddiisa daweyn loogu qaado askarta ku dhaawacma dagaallada ay dowladdu kula jirto Al-shabaab ayaa haddana waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo askar Soomaaliyeed daweyn loogu qaado dalka Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya.
Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa difaacyo ka sameystay gudaha iyo daafaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo saraakiisha dowladda iyo kuw Ahlusunna ay sheegeen inay ku wajahan yihiin laba degmo oo ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Gedo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidammo ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca oo Daweyn loogu qaaday dalka Itoobiya
More News
- Wasiiradda Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada iyo xubno ka tirsan dowladda Turkey ah oo Magaalada Muqdisho soo gaaray
- MSF oo weydiisatay Dowlada Soomaaliya inay baaritaan dhab ah ku sameyso sii-daynta gacan-ku-dhiigle dilay Shaqaalahooda
- Munaasabad uu xilka kula wareegayay Xoghayaha cusub ee Dowladda Hoose ee Laascaanood oo Maanta dhacday
- Hoggaamiye ka tirsan Burcadbadeedda Soomaaliya oo shaaciyay in isaga iyo kooxdiisa ay joojiyeen Burcad-badeednimada
- Duqa Magaalada Muqdisho oo shaaciyay inay duminayaan dhismayaasha aan sharciga ahayn Muqdisho ku yaalla
- Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay degmada Saylac kaddib isku-soo-bax ka dhacay degmadaasi
- Madaxweynaha Somaliland oo Maanta dhaqan-galiyey laba xeer oo uu ku jiro xeerka Sirdoonka oo Warbaahintu ka cabatay
- MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN FAROOLE: "Isku dhejin mayno xilka, Dikteytar Maahin, Dastuuri baan nahay"
- Sannadguuradii Afaraad ee kasoo Wareegtay Doorashadii Madaxda Puntland oo Magaalada Boosaaso lagu qabtay
- COL. CISMAAN DUBBAD: Ammaanka Magaalada Beledweyne wuxuu si aad ah uga wanaagsan yahay sidii hore”
- Madaxweynaha Puntland oo ka digay dib u habeyn lagu sameeyo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Video: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Booqatay qaar ka mid ah Guryihii qaranka Soomaaliyeed ku lahaa magaalada Rome