4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
MSF oo weydiisatay Dowlada Soomaaliya inay baaritaan dhab ah ku sameyso sii-daynta gacan-ku-dhiigle dilay Shaqaalahooda

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa weydiistay dowladda Soomaaliya in baaritaan dhab ah lagu sameeyo gacan-ku-dhiigle ku dilay Muqdisho laba shaqaalahooda ka mid ah bishii December ee sannadkii 2011 oo dhawaan xabsiga dhexe ee Muqdisho laga sii-daayay.

Sarkaalad u hadashay MSF oo lagu magacaabo, Meinie Nicolai ayaa sheegtay inaan horay loo ogeysiin xukunka ninkan iyo sii-dayntiisa intaba, balse ay ku faraxsan yihiin in guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya uu xusay inay socdaan baaritaanno lagu ogaanaya sidii xabsiga looga sii-daayay gacan ku dhiiglahan.

“Waxaan ku jah-wareernay in ruux dambi lagu helay haddana lasii daayo; iyadoo aan la caddeyn sababaha ka dambeeya sii-dayntiisa,” ayay tiri Nicolas oo u warramaysay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da.

Mar la weydiiyay in MSF ahaan ay xaqiijin karaan in ninkan uu yahay kii ka dambeeyay dilka shaqaalahooda ayaa waxay tiri: “Ninkan waxaa la xiray maaalintii uu dilku dhacay, waxaana laga dhex-qabtay xarunta hay’adda, dambigii lagu eedeeyayna waa lagu helay. Marka waxaan la yaabnay sida lagu sii daayay, balse waxaan ku faraxsannahay baritaanka lagu doonayo in lagu ogaado.”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dowladda Soomaaliya, Col. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa shaqada ka eryay garsoorayaal uu sheegay inay ku lug lahaayeen sii-daynta gacan ku dhiiglaha oo la sheegay in sii dayntiisa kaddib dalka laga dhoofiyay.

“Aad baan uga walaac-sannahay in ruux shaqaalaheenna dilay xabsiga laga sii-daayo, laakiinse waxaan soo dhaweynaynaa in sameynayo dhab ah lagu hayo sida ay ku dhacday arrintan,” ayay kaga jawaabtay sarkaaladda MSF u hadashay su’aal ku saabsanayd saameynta ay shaqadooda ku yeelan karto sii-daynta gacan ku dhiiglahan.

Ruuxa lasii daayay oo Soomaali ah ayaa wuxuu dilay dhakhtar iyo maamulihii mashruuc hay’adda MSF ay Muqdisho kawadday kaddib markii uu muran ku saabsan shaqada uu soo dhexgalay isaga iyo maamulaha uu dilay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya