4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
Munaasabad uu xilka kula wareegayay Xoghayaha cusub ee Dowladda Hoose ee Laascaanood oo Maanta dhacday

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Munaasabad uu xilka kula wareegayay xoghayaha dowladda hoose ee Laascaanood oo maanta ka dhacday xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, iyadoo xoghayahan uu ka mid ahaa xubihii ku soo baxay doorashooyinkii golaha degaanka ee bishii lasoo dhaafnay ka dhacay Somaliland.

Cabdi Khayre Dirrir oo ah xoghayaha xilka la wareegay ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka uu la wareegayo, waxaa isagana goobta ka hadlay xoghayihii hore ee talada wareejiyay, Xasan Cashuur Abyan oo faahfaahin ka bixiyay waxqabadkiisa muddadii uu xilka haya iyo heerka ay maanta joogto dowladda hoose ee degmada Laascaanood.

Xoghayaha cusub ayaa ballan-qaaday inuu dusha u ridan doono howsha hor-taalla ee shacabku u igmadeen; isagoo xusay inuusan awooddiisa cidna ugu eexan doonin, wuxuuna intaas ku daray inuu dareensan yahay inay jiraan caqabado ka hor-imaanaya balse uu aaminsan yahay inuu ka dabaalan-doono.

Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka, wax-garad iyo odayaashii halkaas ka hadlay ayaa u soo jeediyay xoghayaha cusub daloolada dowladda hoose ee laga doonayo inuu daboolo, waxayn sidoo kale xuseen inay jiraan cabashooyin dhinaca dadweynaha ka imaanaya, kuwaasoo laga doonayo inuu ka gudbo, iyagoo ammaan u soo jeediyay xog-hayihii hore.

Duqa degmada Laascaanood, Cabdulqaadir Jaamac Saalax oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda ayaa hoosta ka xariiqay in xoghayaha cusub looga baahan yahay dadaal iyo dulqaad dheeraad ah, isagoo intaas ku daray inuu si aad ah uga dayriynayo dakhliga dowladda hoose soo gala oo uu sheegay inuusan ahayn sida laga filaayo dadkuna aanay u bisleyn bixinta cashuuraha.

Xil-wareejintan ayaa kusoo beegantay xili ay dhibaatooyin aad u baahsan ka taagan yihiin dowladda hoose oo u badan khilaafka dhulka, waxayna dad badan saadaalinayaan in laga yaabo in xog-hayaha cusub oo ah nin dhallinyaro ah oo kasoo jeeda magaalada uu suura-gelin karo xal loo helo mashaakilaadkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Khayre oo ay daba-taagan yihiin gole deegaan oo ka kooban 21 dhalinyaro ah oo ay ka mid yihiin duqa degmada Laascaanood iyo ku xigeenkiisa, dhinaca kalena rabitaanka dadweynaha oo aan boos badani uga banaaneyn iyo shaqaale aan xisaabtan xooggani marna soo marin una foofa guruubaysi la eegayaa sida uu uga gudbi karo waqtiga ee kusoo fool leh.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool