4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
Duqa Magaalada Muqdisho oo shaaciyay inay duminayaan dhismayaasha aan sharciga ahayn Muqdisho ku yaalla

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in maamulkiisu uu wado qorshayaal uu kusoo celinayo ammaanka guud ee caasimadda, sidoo kalena ay ku duminayaan dhismayaasha sharci-darrada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka Muqdisho.

Mudane Tarsan ayaa ugu baaqay dhammaan milkiilayaasha dhismayaasha aan sharciga ahayn inay isaga baxaan halkaas, isagoo sheegay inaan laga ogolaan doonin qofna inuu dhisme sharci-darro ah ku yeesho degmooyinka gobolka Banaadir.

“Waxaa socda qorshe lagu dayactirayo waddooyinka Muqdisho oo dhawaan billaaban doona, lama ogolaan doono in dhisme sharci-darro uu waddada dhinaceeda u yaallo,” ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kae, guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay kusoo celinayaan ammaanka guud ee Muqdisho oo ku burburtay dagaallo 20-kii sano ee ugu dambeeyay ka dhacayay guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkan sheegay Salaasadii shalay ahayd, wuxuuna intaas ku darya in sidoo kale laga guuro jardiinooyinkii magaalada oo ahaa goobo ay dadku ku nastaan, isgaoo xusay in dib loo dayactirayo guud ahaan jardiinooyinkii caasimadda.

“Rajadeennu waa inaan mustaqbalka dhow aragno Muqdisho oo uu isbedel weyn ka muuqdo, sidoo kale waxaa la horumarin doonaa nadaafadda magaalada si ay ula mid noqoto caasimadaha caalamka,” ayuu hadalkiisa ku daray Tarsan.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo la iska dhistay goobaha ay dadku isugu yimaadaan, sida jardiinooyinka iyo weliba dhulkii ay lahayd dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya