Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha kooxaha burcabadeedda ah ee gobollada dhexe ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xasan [Af-weyne] ayaa maanta kaga dhawaaqay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud in isaga iyo raggii la shaqeynayay ay joojiyeen falalka burcadbdeednimo oo uu sheegay nay ku kalliftay inay tanaasulaan codsiyo dhowr jeer loosoo jeediyay iyo dhibaato ay kala kulmeen burcadbadeednimada.
Afweyne ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisa aysan mar dambe ku laaban doonin falalka burcadbadeednimo ee ay joojiyeen hadda, isagoo sidoo kale ugu baaqay dhallinyarada ku harsan burcadbdeednimada inay iyaguna ka haraan.
Hoggaamiyihii hore ee burcad badeedda wuxuu sheegay inay falalka burcad badeednimada ku jireen muddo siddeed sano, isagoo sheegay inay burcad badeednimadu leedahay dhibaatooyin badan.
“Falalka burcadbadeednimada waxaan kusoo jiray sideed sano, waxaana la joogaa xilligii aan xisaabtami lahayn aniga iyo saxiibbadey, burcad-badeednimada waa kuwo leh dhibaatooyin badan; sidoo kalena waxaa lagala kulmaan khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, sumcad-darro, adduuna oo si aad ah lagaaga dhibsado iyo hoarumar la’aan,” ayuu yiri Afweyne.
Sidoo kale, hoggaamiyahan wuxuu diiday in isaga iyo saaxiibadiis ay ku qasbeen inay burcad-badeenimada ka baxaan ciidamada la-dagaalanka burcadbdeedda ee u sugan xeebaha Soomaaliya.
“Go’aankeennu waa inaan ka mid noqonno bulshada. Qaarkeen waxay doonayaan inay noqdaan ganacsato, qaar kalena waxay doonayaan inay bartaan xirfado ay ku shaqeystaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hoggaamiyahan wuxuu beeniyay warbixin ay horay u soo saartay Qaramada Midoobay oo sheegaysay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu baasaboor diblamaasi ah u sameeyay isaga iyo xubno ka tirsan burcadbadeedda.
Madaxweynihii dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyay warbixinta ay guddi Qaramada Midoobay ku sheegeen inuu baasaboorro siiyay hoggaamiyeayasha burcadbadeedda, wuxuuna warqad dhaliil ah oo ku saabsan arrintan uu u diray Qaramada Midooaby.
Afweyne ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay dhaqan-celin u sameyso xubnaha go’aanada inay isaga baxaan burcadbadednimada oo dadka oo Soomaaliyed ay ugu xirxiran yihiin caalamka dacalladiisa.
Munaasabadda ay uu uga dhawaaqay Afweyne iyo saaxiibbadiis inay isaga baxeen burcadbadeednimada waxaa goobjoog ka ahaa odayaal dhaqameed kasoo jeeda deegaannada uu ka taliyo maamulka Ximan iyo Xeeb iyo xubno ka tirsan maamulka.
Tallaabada ay qaadeen kooxdan burcadbadeedda ah ayaa waxay imaanysaa xilli uu wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi uu sheegay in burcadbadeedda ay taageeraan dalal shisheeye oo nabadda Soomaaliya kasoo horjeeda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hoggaamiye ka tirsan Burcadbadeedda Soomaaliya oo shaaciyay in isaga iyo kooxdiisa ay joojiyeen Burcad-badeednimada
More News
- Wasiiradda Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada iyo xubno ka tirsan dowladda Turkey ah oo Magaalada Muqdisho soo gaaray
- MSF oo weydiisatay Dowlada Soomaaliya inay baaritaan dhab ah ku sameyso sii-daynta gacan-ku-dhiigle dilay Shaqaalahooda
- Munaasabad uu xilka kula wareegayay Xoghayaha cusub ee Dowladda Hoose ee Laascaanood oo Maanta dhacday
- Duqa Magaalada Muqdisho oo shaaciyay inay duminayaan dhismayaasha aan sharciga ahayn Muqdisho ku yaalla
- Ciidammo ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca oo Daweyn loogu qaaday dalka Itoobiya
- Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay degmada Saylac kaddib isku-soo-bax ka dhacay degmadaasi
- Madaxweynaha Somaliland oo Maanta dhaqan-galiyey laba xeer oo uu ku jiro xeerka Sirdoonka oo Warbaahintu ka cabatay
- MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN FAROOLE: "Isku dhejin mayno xilka, Dikteytar Maahin, Dastuuri baan nahay"
- Sannadguuradii Afaraad ee kasoo Wareegtay Doorashadii Madaxda Puntland oo Magaalada Boosaaso lagu qabtay
- COL. CISMAAN DUBBAD: Ammaanka Magaalada Beledweyne wuxuu si aad ah uga wanaagsan yahay sidii hore”
- Madaxweynaha Puntland oo ka digay dib u habeyn lagu sameeyo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Video: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Booqatay qaar ka mid ah Guryihii qaranka Soomaaliyeed ku lahaa magaalada Rome