4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay degmada Saylac kaddib isku-soo-bax ka dhacay degmadaasi

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, illa toban kalana way ku dhaawacmeen mudaharaad saaka ka dhacay magaaladda Saylac, ka dib markii dad ka xanaaqsan maayarka cusub ee loo doortay degmada saylac ay isku xeereen dawladda hoose ee magaaladaasi. Ciidamadda milatariga iyo booliska ayaa saaka aroortii hore isku dayey inay dadkaasi ka dareeriyaan xaruntaasi, balse way u suurtogali wayday ilaa markii dambe ay xoog u adeegsadeen, waxaana rasaastii ciidankaasi rideen ku dhaawacmay ilaa toban qof oo mid ka mid ahi la sheegay inuu dhaawacii u dhintay.

Qaybo ka mid ah Dadweynaha ku nool magaaladda Saylac, ayaa shalay mudaharaad ay doorashadii maayarka iyo ku xigeenka Saylac loogu doortay ku diidan yihiin ku dhigay magaaladaasi, waxaanay xalay u hoydeen xarunta dawlada hoose ee Saylac, haseyeeshee ciidanka amniga gobolka Selel ayaa xoog ku kala dareeriyey dadkaasi, waxaana halkaasi ka dhacay khasaare dhimasho iyo dhaawac keentay sida ay noo xaqiijiyeen dadweynaha ku nool deegaankaasi. wararka aanu ka helayno magaalada Saylac ayaa sheegaya in dawlada Jabuuti ay xidhay xadkii Somaliland iyo Jabuuti u dhexeeyey, inkastoo dhaawacii mudaharaadkaasi ka dhashay la geeyey Jabuuti si loogu soo daweeyo.

“Ciidanka ayaa saaka shantii iyo badhkii subaxnimo weeraray dadkaasi oo iska fadhiya xarunta dawlada hoose, waxaana aroortii hore ay xabadu ku dhacday afar qof oo jabuuti la geeyey, waxaana markii dambe la arkay lix qof oo kale oo dhaawac fudud iyo dhaawac culusba iskugu jira, waxaana dadkaasi dhaawaca qaarkood lagu soo qaaday gaadhigii taliyaha booliska Saylac oo jabuuti geeyey”ayuu yidhi ka mid ah dadka ku nool degmadda Saylac oo khadka Telefoonka ugu waramayey HOL, waxaanu sheegay inay dadkaasi dhaawaca ah gurayeen baabuur shacab ah iyo kuwa dawladaba.

Sidoo kale waxaanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Badhasaabka gobolka Selel si aanu arrintan wax uga waydiino, balse nasiib daro nooma suurtogalin ka dib markii telefoonkiisii uu naga qaban waayey.

Arrintan lagaga soo horjeeddo maayarkii iyo ku xigeenkii loo doortay degmada Saylac ayaa ah arrin ay xukuumada Somaliland furdaamin kari wayday, isla markaana hal xidhaale adag ku noqotay xalinteedda, maadaama labadda beelood ee deegaankaasi ku dhaqani ku kala aragti duwan yihiin cidda noqonaysa Maayarka degmadda Saylac, isla markaana beel waliba ku doodayso inay xaq u leedahay inay maayarka leedahay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland