4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta dhaqan-galiyey laba xeer oo uu ku jiro xeerka Sirdoonka oo Warbaahintu ka cabatay

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta digreeto madaxweyne ku  Dhaqan-geliyey  Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.

“ Madaxweynuhu Markuu Arkay:  Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012; Wuxuu Soo Saaray Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.

Dhinaca kale,  Madaxweyne Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu digreeto madaxweyne ku  Dhaqan-geliyey  Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mih-nadlayaasha Caafimaadka.

“ madaxweynuhu Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/582/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001; Wuxuu Soo Saaray Dhaqan-galka Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001 ee Jamhuuriyadda Somaliland”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, xeerkan Sirdoonka Qaranka ayaa warbaahintu si weyn uga qaylinaysaa, maadaama oo awood badan la siiyey ciidamda sirdoonka, isla markaana ay ku jiraan qodobo ka hor imanaya xoriyatulka qawlka Somaliland oo dastuurka Somaliland u damaand qaaday, taasina waa ta keentay in warbaahintu si weyn u dhaliisho xeerkaasi, isla markaana madaxweynaha ka codsadeen in aan xeerkaasi la dhaqangalin ee dib loogu soo celiyo golaha Baarlamaanka si wax looga bedelo ama looga saaro qodobada ka hor imanaya xuquuqda xoriyatul qawlka.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland