4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya oo sheegtay inay qabqabteen xubno Al-shabaab ka tirsan oo Soomaali iyo Ajnabi isugu jira

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa sheegay in howgal ay ka sameeyeen hoteello ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ay kusoo qabqabteen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi.

Howl-galladan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayay sheegeen ciidamadu inay si xeeladeysan ku  galeen hoteello yaryar oo ku yaalla suuqa Bakaaraha ayna kusoo qabqabteen 27-qof oo ka tirsan Al-shabaab mid ka mid ahina uu yahay ajnebi.

“Ciidamadu waxay ka warheleen in hoteelada ay baaritaanka ku sameeyeen ay ku sugnaayeen xubnaha lasoo qabqabtay, waxayna ku jireen howlo ay ku doonayaan inay qaraxyo uga geystay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri sarkal ka tisran ha’yadda nabadsugidda Qaranka.

Xubnahan la sheegy inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaa lagu soo waramayaa in lagu wado baaritaanno dheeraad ah. Hay'adda nabad-sugidda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen qalab ay dadka lasoo qabqabtay wateen.

Howl-galladan waxaa horkacayay taliyaha nabad-sugidda gobolka Banaadir, Col. Maxamed Aadan Koofi iyo saraakiil kaloo ka tirsan hay’adda. Hawl-galkan ayaa qayb ka ah kuwo maalmihii ugu dambeeyay si xowli ah uga soconayay magaalada Muqdisho.

Dhawaanahan waxaa ka dhacayay gudaha suuqa bakaaraha falal dilal ah oo lala bar-tilmaameedsanayey ciidamada dowladda, kuwaasoo saraakiisha ammaanku ay ku eedeeyeen xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo arinta dadkan la qabqabtay ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab, sidoo kale hay'adda nabad-sugiddu faahfaahin kama bixin dhalashada qofka la sheegay in uu ajnebiga yahay ee ku jira 27-da qof ee xalay Muqdisho lagu qabtay.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya