4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay Tayeynayso Ciidamada kaga sugan Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose

Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tayeyn doonto ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada Jubbooyinka si ay deegaannada kale ee gobolkaas ug saaraan Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulan arrintan ku saabsan la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Fiqi ayaa sheegay in qorshahooda ugu weyn ee ay u tageen Jubbooyinka uu yahay sidii ay u tayeyn lahaayeen ciidamada dowladda, isagoo ugu baaqay ciidamada inay noqdaan kuwo isku xiran oo howlaha loo idmaday fuliya.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan saddex wasiir oo xukuumadda Soomaaliya ka tirsan kuwaasoo shalay halkaas gaaray, waxaana ka mid ah wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiirka cadaaladda iyo garsoorka, C/llaahi Abyan Nuur.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Kismaayo ayaa waxay qayb ka ahaayeen howgalladii labadii sano ee lasoo dhaafay Al-shabaab looga saaray deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ku jirto Kismaayo.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo muran xooggan oo ku saabsan maamul Jubaland oo looga dhawaaqay Kismaayo uu ka taagan yahay halkaas, waxaana degmadaas ku sugnaa muddo toddobaadyo ah guddi ka kooban labada gole ee dowalda oo halkaas u tagay xallinta khilaafka taagan.

Deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa weli gacanta ku haysay Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay ka mid yihiin degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya