4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Madaxweynha Somalia oo si adag u dhaliilay Howlgalka Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo


Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya walaac ka muujiyay howlaha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya ay ku joogaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xilli ay dowladda Soomaaliya doonayso inay qabsato deegaannada kale ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka Midowga Afrika oo shalay ka furmay Addis Ababa ayaa sheegay in xukuuumadda Soomaaliya ay kala hadlayso Midowga Afrika howsha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya, kaddib markii ay caddeeyeen inaysan sugayn ammaanka koox wasiirro iyo xildhibaanno ah oo ku sugan Kismaayo.

“Innagu ma doonayno inaan eedeyno Kenya, laakiin ciidamadooda qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM waxay u dhaqmeen si xun, waxayna ka baxeen xadkii waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamada Kenya ayaa ka qayb-qaatay sannadkii hore dagaalladii xoogagga Al-shabaab looga saaray magaalada Kismaayo, iyagoo isla sannadkaas ku biiray howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale, marka laga sootago caradiisa wuxuu madaxweynuhu ammaanay ururka IGAD oo ay ku jirto Kenya oo uu sheegay inay doonayaan inay kala shaqeeyaan dowladdiisa horumarinta maamullada gobollada dalka.

“IGAD waxay si cad u muujisay doorkeeda ku aaddan taageerada dowladda Soomaaliya, waana mid aan aad ugu qanacsannahay kaalinta IGAD,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan muran ku saabsan maamul ay kaga dhawaaqeen degmadaas dhowr mas’uul oo sheeganaya inay yihiin madaxweynaha Jubaland, taasoo sii kordhisay walaacii horay uga jirtay degmadaas.

“Kooxaha Kismaayo ku sugan ee qaatay go’aanka dhankooda keliya ah waa Soomaali, aragti ayay leeyihiin, innagu waan xushmeynaynaa aragtidoodaas marka aan aragno, laakiin arrintan aad muhiimka u ah waa in maanta ay Soomaaliya ka jirto dowlad federaal ah, taasoo ay leeyihiin Soomaalida oo dhan,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in kooxah Kismaayo in aysan awood u lahayn inay khalad tahay inay iyaga keligood dhistaan maamul ay gaar ay u leeyihiin, balse ay ahayd inay dowladda kala shaqeyso sida loo dhisayo maamulka.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay qorshe cad u dajisay dhismaha maamul goboleedyada dalka, wixii qodobadaas ka horimaanayana aanay ogolaan doonin.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay muhiimad weyn siinayso sugidd ammaanka, ayna qorsheynayaan inay Al-shabaab ka saaraan deegaannada kale ee ay dalka uga sugan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya