3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo howlgallo kawada saaka Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir


Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo baaritaanno ah kawada xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyagoo howlgalladaas ku qabqabtay dad fara badan.

Howlgalladan oo qayb ka ah howgallo ay ciidamada isbahaysanaya ka wadeen Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay ayay AMISOM iyo dowladdu ku sheegeen inay yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya Muqdisho.

Xaafadaha la baarayo ayaa waxaa ka mid ah Nasteexo, Jayga iyo siligga Mareykanka, iyadoo dadka lagu amray inaysan guryaha kasoo bixi, ciidankuna ay guri-guri u galayaan guryaha ku yaalla xaafadahaas.

“Dadka oo dhan guryaha ayay ku jiraan, ciidamadu waxay galayaan guryaha waxayna kala baxayaan ragga da’ kasta oo ay yihiin,” ayay tiri Raxmo C/lle oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.

Barxad weyn oo ku taalla siligga Mareykanka ayaa la isugu geeyay boqolaal qof oo lagu soo qabqabtay howlgallada saakay socda, iyadoo aysan jirin cid weli xabsi loo dhaadhiciyay.

Afhayeenka AMISOM ayaa horay u sheegay inay billaabeen baaritaanno ay ku baarayaa degmooyinka gobolka Banaadir ayna guri-guri u baari doonaan si ay ammaanka u sugaan.

Howlgalkan ayaa wuxuu daba socdaa howgal maalin ka hor ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafadda Buulo-xuubeey oo ka tirsan isla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee waxaa baaritaannada ka socda Muqdisho kasoo hor-jeestay guddiga xuquuqul insaanka iyo arrimaha haweenka ee baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay kuwo xayiraad ku keenaya howlaha aasaasiga ah ee shacabka ku nool Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/27/2013 1:24 PM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ciidamada la-dagaalanka argagaxisada dalka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah ku toogtay deegaan lagu magacaabo Kisauni oo ku yaalla duleedka magaalada xeebta leh ee Mombasa, waxaana iska hor-imaad dhexmaray ninkaas iyo booliiska ku dhaawacmay lab aka mid ah ciidamada Kenya.

5/27/2013 1:02 PM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shaabaab ku dhexmaray duleedka waqooyi ee degmada Jowhar.

5/27/2013 12:50 PM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale(duur), ayaa maanta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boorame ka siidaayey Odayaal ka soo jeedda degmadda Xariirad oo illaa sideetan maalmood ugu xidhnaa dil ka dhacay degmadaasi, isla markaana odayaashan loo xidhay sidii ay soo qaban lahaayeen ninkii dilkaasi geystay.

5/27/2013 10:13 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Xarunta CRD ee Muqdisho ayaa maanta tababar loogu soo xiray in ku dhow 30-shaqaale ah oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo loo tababaray fulinta howlaha wasaaradda, iyadoo la guddoonsiiyay shahaadooyin.

5/27/2013 10:05 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tayeyn doonto ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada Jubbooyinka si ay deegaannada kale ee gobolkaas ug saaraan Xarakada Al-shabaab.

5/27/2013 9:58 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ugu soo gabagabeeyay tababar xubno laga soo xulay degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid, kuwaasoo loo tababaray sidii ay u ilaalin lahaayeen hantida dadweynaha oo ay ka mid yihiin nalalka qoraxda ku shaqeeya oo dhawaan la suray jidka 30-ka ee Muqdisho.

5/27/2013 8:19 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Maxkamad degmadda Hargeysa, ayaa shalay ka furantay dacwad ka dhan ah saddex qof oo Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyey fasahaadin diimeed, kaas oo mudaddii u dambeeyey kiiskoodu ka socday maxkamadda.

5/27/2013 1:51 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya walaac ka muujiyay howlaha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya ay ku joogaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xilli ay dowladda Soomaaliya doonayso inay qabsato deegaannada kale ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.