4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Imtixaanka Sanad-dugsiyeedka 2012k—2013 ee dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe oo maanta ka bilaabmay qaybo ka mid ah gobolka Sool


Sabti, June 15, 2013(HOL)—Imtixaankan oo ay ka qayb qaadanayaan sida uu sheegay Isuduwaha gobolka Sool ee wasaaradda waxbarashada ee maamulka Somaliland Maxamuud Bisinle in 1163 arday oo isugu jira dugsi dhexe iyo dugsi sare.

 

Munaasibadii lagu furaayey oo lagu qabtay dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee magaaladda Laascaanood ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo maamulka iyo waxbarashaddaba ka socdey.

 

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool Axmed Maxamuud Guutaale oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ardayda ugu baaqay inay la sameeyaan wada shaqayn ayna fududeeyaan sida ugu wanaagsan ee loo qaadayo imtixaanka.

 


Imtixaankan ayaa ka dhacaya degaanadda ay maamulka Somaliland gacanta ku hayaan oo ay ka mid yihiin degmada Laascaanood iyo degmada Xudun, waxaana horey degaano maamulka Khaatumo ay maamulaan looga qaaday bishii aan soo dhaafnay.

 

Ardayda wax ka barata Gobolka Sool iyo Buuhoodle ayaa inta badan waxaa ku yimaada khalkhal dhinaca imtixaanaadka sanawiga ah iyadoo ay badanaa galaan imtaxaano ay maamulo kala duwani soo diyaariyaan sida Somaliland, Puntland iyo Khaatumo.

 

 

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Sool