4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Kalfadhigii 30-aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garowe [SAWIRRO]


Sabti, Juun 15, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka furmay kal-fadhigii 30-aad ee golaha wakiillada Puntland. Kal-fadhigan oo ay xildhibaanadu arimo dhowr ah ku eegi doonaan, waxaa si rasmi ah u furay madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Jen. C/samed Cali Shire.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi  oo isagu ugu horeyn xafladda furitaanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey ajendeyaasha ugu waaweyn ee ay xildhibaanadu fadhigoodan kaga doodi doonaan, wuxuuna xusay inay kamid yihiin: ansixinta hal gobol iyo degmooyin dhowr ah oo dhowaan la magacaabay, miisaaniyadda sanadka 2013 iyo dhismaha maxkamadda dastuuriga ah.

 

Mudane Xirsi ayaa dhinaca kale si kooban uga warbixiyey waxyaabihii uu golaha baarlamaanku ku ansixiyey fadhigoodii ka horeeyey kan maanta furmay, wuxuuna intaas raaciyey in mas'uuliyadda baarlamaanku ay tahay inuu meel mariyo wax walba oo ay dalka iyo dadkaba dani ugu jirto.

 


Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Jen. C/samed Cali Shire oo isna xarunta golaha wakiillada ee Garoowe khudbad dheer ka jeediyey, ayaa soo hadal qaaday arimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen: ammaanka Puntland, dastuurka dowladda federaalka iyo arinta ay todobaadyadii u danbeysye xiisadda siyaasadeedi ka aloosneyd ee maamulka Jubaland.

 

Ammaanka Puntland ayuu sheegy in uu aad u wanaagsan yahay, isagoo xusay in geedi-socodka dimuqraadiyaddu uu meel fiican marayo, doorashada goleyaasha deegaankuna ay dhowaan sidii loogu tala galay u qabsoomi doonto. Arintan Jubaland iyo dowladda Federaalka mar uu ka hadlayeyna wuxuu ugu baaqay maamulka iyo bulshada Jubbooyinku in ay midnimadooda dhowraan, dowladda federaalkana wuxuu ku booriyey in aysan carqaladeyn maamulka Jubaland ee dhowaanta la dhisay.

 

Fadhigan oo ah kii 30-aad ee ay isugu yimaadaan golaha wakiillada ee Puntland - tan iyo markii la asaasay maamulka Puntland sanadkii 1998- waxaa soo xaadiray 48-xildhibaan, waxaana ajendeyaashiisa ugu muhiimsan: miisaaniyadda, ansixinta gobolka Gardafuuy iyo dhismaha maxkamadda sare ee dastuuriga ah.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya