4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Arday raashin loogu qeybiyay Sool (SAWIRRO)


Sabti, June 15, 2013(HOL)—
417 arday ayaa loogu qaybiyey raashin degmada Xuddun oo 83Km dhinaca waqaqooyi kaga beegan magaaladda Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

 

Raashinkan oo sida ay sheegta Xaawo Yuusuf Guure gudoomiyaha daladda Haweenka degmada Xuddun ee Ugbaad loogu tala galay ardayda wax barata in lagu dhiiri geliyo ayaa waxa ka faa'iidaysta qoysas badan.

 


Xaawo Yuusuf waxay u mahad celisey Hay'adda WFP iyo maamulka Puntland oo soo fudeeyey inuu sii socdo mashruuca dhiirigelinta waxbarashada oo u muuqda mid midhadhal noqday, walow ay xustay in uu mudo ka maqnaa waqtiyadii maamulka Somaliland la wareegeen degmada Xudun.

 

Waalidiinta ardayda mashruucan ka faa'iidaysta ayaa aad ugu mahad celiyey dadkii gacanta ka geystey iyo masuuliyiinta Ugbaad.


 

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Sool