4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Iska-horimaadyo Siyaabo kala Duwan uga Dhacay Deegaanno kawada tirsan Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, Juun 15, 2013 (HOL) — Iskahorimaadyo kala duwan ayaa xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo mid ka mid ah uu u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa xalay ka dhacay iskahorimaad u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga A-shabaab, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay.

Iskahorimaadkan ayaa qarxay kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgallo halkaas kawaday, iyadoo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Siidii uu sheegay inuusan jirin khasaare dhankooda soo gaaray.

“Weerarku wuxuu ahaa mid ay soo qaadeen Al-shabaab, laba qof ayaa looga dilay, wuxuuna ahaa iskahorimaad kooban dib ayay u carareen,” ayuu yiri Siidii oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho.

Sidoo kale, dagaal u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan dowladda Somalia ayaa waxaa ku dagaalamay deegaanka Muuri ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo la sheegay in ciidammadu ay u kala safan yihiin hab beeleed.

Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose iyo degmada Afgooye ayaa ugu baaqay ciidamadaas inay dagaalka joojiiyaan, iyagoo sidoo kalena uga digay ciidamada kale ee dowladda inay wax lug ah ku yeeshaan.

“Ciidamada ku dagaalamaya deegaanka Muuri oo u dhexeeya Afgooye iyo Lambar 60, waa kuwo u safan hab beeleed, waxaana ka digaynaa in askarta ee deegaannadaas ku sugan ay ku lug yeeshaan,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Afgooye oo saxaafadda la hadlay.

Waa markii ugu horreysay oo uu dagaal dhexmaro ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay in iskahorimaadkoodu uu salka ku hayo hab beeleed, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya