4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay hub laga soo saaray goob dhulka hoostiisa ah (SAWIRRO)
C360_2013-06-13-15-16-13q-532.jpg


Sabti, June 15, 2013 (HOL) - Booliska soomaliyeed ayaa hawlgal ay sameeyeen ku soo qabtay hub aad u badan iyo waxyaabaha qarxa oo laga soo saaray goob dhulka hoostiisa ah oo ku taal degmada Hodan sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka booliska.

Hubkaas oo aay soo qufeen ciidanka booliska qaybtiisa miino baarka ayaa kadib markii la soo saaray laga soo buuxshay gaari kadibna la keenay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga halkaas oo loogu soo bandhigay saxaafada.

Waxaa sidoo kale goobta yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. Cabdikariim Xusseen Guuleed, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida & Amniga Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed S/Guuto Cabdixakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaliyeed.

C360_2013-06-13-15-16-23-532.jpg

Kadib markii Saxaafada loo soo bandhigay hubkan ayaa taliyaha ciidanka booliska Soomaliya, Cabdixakiim Daahir Saciid uu ka warbixiyey sida hubkan lagu soo qabtay isagoo sheegay in ay heleen xog ku saabsan hubka iyo halka uu ku xabaalan yahay, kadibna ay qaadeen hawlgal ballaaran.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in aay jiraan macluumaad iyo hawlgalo kale oo la mid ah kan maanta la fuliyay balse wuu ka gaabsaday inuu ka hordhaco ama uu ka sii hadlo.

Waxaana uu sheegay in aay hayaan Gaari militerigu soo qabteen oo Alshabaab raashin iyo qalab kale u waday uuna yaallo xerada ciidamada sirdoonka oo baaritaano ay ku socdaan.

Saacid ayaa digniin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee weli Alshabaab la macaamila ama la ganacsanaya in aay ka waantoobaan haddii kale hantida iyo wixii kale ee ay Alshabaab u wadaan lagala wareegi doono ayagana sharciga la horkeeni doono.

C360_2013-06-13-15-16-13-53a2.jpg
C360_2013-06-13-15-16-13-5332.jpg
C360_2013-06-13-15-16-13-532.jpg
C360_2013-06-13-15-16-13-5132.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya