4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2013
Wadayaasha gaadiidka isaga goosha Magaalada Laascaanood iyo Hargeysa oo Maanta ku dhaqaaqay shaqo-joojin

Isniin, July 22, 2013 (HOL) — Gaadiidleyda ka shaqeeya Laascaanood iyo Hargeysa ayaa shaqa-joojin iyo mudaharaad ka sameeyey xafiiska ay ku leedahay wasaaradda maaliyadda Somaliland magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gaadiidleyda ayaa ka cabanaysa dhibaatooyin ay kala kulmaan kaantaroolo kuwaasoo ay ka xuseen kan Burco iyo kan Caynaba. C/llaahi Xasan oo ka mid ah gaadiidleyda ayaa sheegay in safar kasta oo ay Hargeysa ku aadaan la weydiiyo warqada soo-gelinta gaadiidka taasoo aan sharci ahayn haddii aysan meeshu ahayn kastan.

Waxaanu intaas ku daray inay ka mid yihiin gaadiid haysta laba taargo oo laba jeer gaadiidkooda la cashuuray taasina ay maanta taagan tahay heer ay u adkaysan waayaan, bixinta canshuurahaas.

Sidoo kale, Cumar Axmed Aadan [Afqudo] ayaa isna sheegay in laga bilaabo maanta aanay safar u aadayn Waqooyiga Soomaaliya haddii aan wax laga bedelin isla markaana aan la sixin khaladaadyada jira.

Isku-duwaha wasaaradda maaliyada ee Somaliland, C/raxmaan Koosafaare oo saxaafadu ay xafiiskiisa ku booqatay ayaa sheegay inay tahay cabasho jirta, isagoo intaas raaciyay inay u gudbiyeen maasha looga wada arrimiyo ayna jawaab ka sugayaan.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladdan ayaa saamayn ku yeelanaysa dad badan oo meelo badan u socdaalaya sida Adis Abab, Jabuuti, Hargeysa iyo deegaanno kale oo gaadiidleydani qaadi jireen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool