4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2013
Iskahorimaadyo khasaare nafeed geystay oo Xalay siyaabo kala duwan uga dhacay Degmooyinka Kaaraan iyo Jowhar

Isniin, July 22, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalena way ku dhinteen dagaallo siyaabo kala duwan uga dhacay xalay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Hoose iyo degmada Karaan ee gobolka Banaadir.

Dagaalladan ayaa ka dhashay weerarro ay soo qaadeen xoogag Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo ay ku beegsadeen saldhigga degmada Karaan iyo sidoo kale saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Jowhar oo duleedka waqooyi kaga beegan degmadaas.

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay inay hal ruux ka dileen dagaalyahannadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay dhowr kale ka dhaawaceen.

Taliyaha saldhigga booliiska Kaaraan, Cali Calasow oo warbaahinta la hadlay ayaa isagunasheegay in Al-shabaab ay laba jaho kasoo weerareen saldhigga, iyadoo markii ay dib uga laabteenna ay dagaal culus kala kulmeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo jidka u galay.

“Al-shabaab waxay xalay laba jaho kasoo weerareen sadhigga Kaaraan, hal qof, dhaawacyo kalena way qaateen, kuwaasoo naloogu sheegay laba qof, balse ay noqon karaan kuwo ka badan.

Mas’uul u hadlay maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in ruuxa laga dilay Al-shabaab lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdullaahi Sheekhoow kaasoo maydkiisa lagu soo bandhigay dgemada Kaaraan.

Saraakiisha u hadlay ciidamada dowladda ma aysan sheegin kahsaare kasoo gaaray dagaalka dhankooda, balse goobjoogayaal ayaa u sheegay saxaafada inay arkeen dhaawacyada laba askari oo ka tirsan cidiamada dowladda oo ku dhaawacmay degmada Kaaraan.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay weerarradan ayaa sheegay inay qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen, balse ma sheegin khasaarahaas inta uu le’eg yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya