4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2013
Biyo la’aan ka taagan deegaanka Garileey ee gobolka Gedo

Isniin, July 22, 2013(HOL) :- Deegaanka Garileey ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagantahay xaalad biyo la’aaneed oo aad u daran, iyadoona shacabka ku dhaqan deegaankaasi ay walaac ka muujiyeen biyo la’aanta ka taagan halkaasi.

Gudoomiyaha deegaanka Garileey Aar Max’uud Max’ed oo wareysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto biyo la’aan, wuxuuna xusay in dadka deegaanka ay badankooda bilaabeen in ay halkaasi isaga barakacaan biyo la’aan darteed.

Masuulkan ayaa sheegay in dadka deegaanka oo isugu jira xoolaley iyo beeraley ay markii hore biyaha kasoo iibsan jireen degmada Wajeer ee dalka Kenya, isagoona sheegay in fuustadii laga ay ugu iman jirtay lacag dhan $500, balse waxa uu xusay in dadka deegaanka ay awoodi waayeen in ay bixiyaan lacagahaasi.

“Deegaanka waxaa ka qodan ilaa sedex warood oo qaarkood ay  noo dhiseen dad qurbo joog ah kuwaa ayaan biyaha ku keysan jirnay, iyagiina way qalaleen oo dhulkan biyaha si fiican uma keydiyo, marka xaaladda deegaanka aad ayay u liidataa oo dhibaato ba’an ayaa ka jirto,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in marar badan oo hore ay codsiyo u direen hay'adaha samafalka iyo dowladda Sooaaliya balse wuxuu xusay in ilaa imika aysan jirin cid isku xilqaantay sidii ay wax uga qaban lahayd baahida ka taagan deegaankaasi.

Masuulkan ayaa ugu danbeeyn ugu baaqay Hay’adaha samafalka, dowladda iyo qurbo joogta Soomaaliyeed in ay gacan ka geeystaan sidii wax looga qaban lahaa biyo la'aanta ka taagan deegaankaasi, isagoona sheegay  in deegaanka Garileey uu yahay deegaan qadiimi ah oo ay ku noolyihiin dad aad u badan oo isugu jira beeraleey iyo xoolaleey.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.