Waddooyinka Waaweyn ee Muqdisho oo Qaarkood la xiray iyo Xukuumadda oo sheegtay inay Howlgelinayso Ciidammo cusub

Isniin, July 22, 2013 (HOL) — Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho qaar ka mid ah ayaa maanta la xiray, iyadoo dowladduna ay sheegtay inay dhawaan howlgelin doono ciidammo cusub oo aan horay loo arag, kuwaasoo sugaya ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Jidadka xiran ayaa waxaa ka mid ah midka isku xira isgoysyada Banaadir iyo Zope ee Muqdisho oo ay ku taallo wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalia iyo waddada KM-4 ee tagta safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Inkastoo saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka aysan ka hadlin sababa keenay in la xiro waddooyinkan ayaa waxaa haddana ay ciidamada halkaas ilaalada ka haya kuu sheegayaan in loo xiray sababo la xiriira dhinaca ammaanka.

Xiridda waddooyinkan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Al-shabaab ay maalin ka hor kusoo bandhigtay degmada Baraawe ciidamo cusub oo wata gaadiid kuwa dagaalka ah, kuwaasoo ay sheegtay inay kula dagaalamayso dowlada Soomaaliya iyo AMISOM.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in dhawaan Muqdisho ay ka howlgeli doonaan ciidammo cusub oo aan horay loo arag si ay u sugaan ammaanka caasimadda.

“Ciidammo cusub ayaa dhawaan ka howlgeli doona Muqdisho, kuwaasoo ka hortegi doona falalka ammaan-darrada ah, waxaana rajeynayaa inay taasi wax badan ka bedeli doonta ammaanka,” ayuu yiri Ciil-mooge oo intaas ku daray in dowladdu ay waddo qorshe cusub oo amniga lagu sugayo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay falal ammaan-xumo oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan la garanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya