4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2013
Qaramada Midoobay oo dalbatay Malaayiin Doollar oo lagu caawinayo dadka ku Dhibaateysan Gudaha Soomaaliya

Isniin, July 22, 2013 (HOL) — Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay 20-milyna oo doollar oo dheeraad ah si loogu caawiyo dadka Somalia ku dhibaateysan, gaar ahaan caruurta.

Philippe Lazzarin oo gargaarka bani’aadamnimo u qaabilsan UN-ka ayaa ku dhawaaqay in lacagtan wax looga qabanayo nafaqo-darro haysata caruurta Soomaaliyeed, isagoo xusay in sidoo kale lagu caawinayo dad aan haysan cunno iyo biyo ay cabaan.

“Soomaaliya waxay ka mid tahay 12 dal oo dhibaatooyin xagga nolosha ah ay ka taagan tahay, waxaana u codsannay lacag gaaraysa 72 milyan oo dollar,” ayuu yiri Lazzarni.

Mas’uulkan ayaa intaas ku daray in lacagihii gargaar ahaanta loogu dalbay Soomaaliya sannadkan la helay oo keliya saddex meelood oo meel, isagoo sheegay in lcagtiii ay codsadeen ay ahayd 1.15 bilyan oo dollar, wuxuuna xusay in tani ay hoos u dhac weyn ku keenayso gargaar loo fidiyo dadka ay dhibaatooyinku ku haystaan Soomaaliya.

“Tani waa mid khatar weyn ku ah soo kabashada Soomaaliya,” ayuu yiri Lazzarini, isagoo xusay in haddii aan la helin dhaqaale lagu caawiyo dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ay taasi keeni karto in abaaro ay dhashaan.

Mr. Lazzarini ayaa booqday Kismaayo isagoo u kuurgalay xaaladda ka jirta magaaladaas, gaar ahaan dhinaca bani’aadamnimada, isagoo xusay inay ka jiraan xaalado bani’aadamnimo oo khatar ah.

“Dad badan oo ku nool Kismaayo ma haystaan cunno ay cunaa, sidoo kale ma haystaan biyo ay cabaan iyo dawooyin. Sidoo kale kala bar caruurta ku nool degmadaas ma haystaan waxbarasho,” ayuu yiri Lazzarini oo New York kula hadlay wariyeyaal.

Ugu dambeyn, sarkaalku wuxuu soo dhaweeyay tallaalka caruurta oo 38,000 oo caruurta laga tallaalayo, waxaana uu sheegay in dagaalladii ka dhacay Kismaayo ay hakad muddo koobban geliyeen tallaalka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in laga helay 70-kiis oo cudurka dabeysha ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya tan iyo bishii May ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya