4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 22, 2013
Dad lagu qabqabty howlgallo maalintii labaad ka soconayo Kismaayo

Isniin, July 22, 2013(HOL) :- Ciidamada ammaanka maamulka Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu soo qabqabtay howlgallo maalintii labaad ka soconayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Howlgalladan oo ah kuwo ammaanka lagu xaqiijinyo ayaa bilowday shalay kadib markii magaalada ay ka dhaceen falal isugu jira dilal iyo dhac loo geystay dad rayid ah, waxaana saraakiisha ciidanka ay sheegeen in si deg deg ah wax looga qaban doono ammaanka.

Taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Max'ed Buulle Sugow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgallo maalintii labaad ka socoayo magaalada Kismaayo ay kusoo qabqabteen rag si sharci darro ah hub ugu dhex sitay magaalada.

"Howlgallada si wanaagsan ayay u soconayaan, ilaa hadana waxaa lasoo qabqabtay dad badan oo isugu jira masoomayaal iyo rag ku hubeysnaa baastoolooyin iyo hub sharci darro ah," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in ay bilaabeen howlgallo barbar soconayo kuwa amni sugidda kuwaasoo lagula dagaalamayo masoomayaasha iyo dadka raashiinka bisil a ganacsatada biha Ramadan.

Howlgalladan maalintii labaad ka socnayo Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay ay cabasho kasoo yeereysa dadka shacabka ah ee ku dhaqan Kismaayo, taasoo ku aadanayd in wax laga qabto amniga magaalada oo maalmihii u danbeeyay sii xumaanayay. 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.