4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Kulan looga hadlay sidii Haweenku ay ku heli lahaayeen doorkooda nololeed oo maanta lagu qabtay Degmada Buuhoodle (SAWIRRO)


Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Kulankan ayaa mas’uuliyiintii ka qayb-galay waxay qireen sida ay muhiim u tahay in haweenku ay doorkooda nololeed helaan, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadashay isku-duwaha wasaaradda haweenka Puntland, Adna Cali Axmed oo iyadu sheegtay inuu kulankan qayb ka yahay kulammo la doonayo in lagu eego doorka nololeed ee haweenka, isla markaana lagaga hortago tacadiyada lagula kaco.

Adna waxay ku dheeraatay dhibaatooyinka dumarku ay la kulmaan, xilliyada ay ugu jilicsan yihiin iyo sida ay uga maqan yihiin ilaha muhiimka ah iyadoo ka xustay dhinacyada shaqooyinka iyo siyaasaddaba.

Sheekh C/jaafi Axmed Cali oo ah Madax jamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle ayaa kulankaas ka sheegay heerka diinta Islaamku gaarsiisay haweenka, isagoo intaas raaciyay in aanay dayicin ee ay kasoo bexeen.

Mas’uuliyiin badan oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka booliiska Ibraahim Cabdi Balayax ayaa sheegay oo qirayin haweenku ay qabaan dhibaatooyin badan loona baahan yahay sidii loo joojin lahaa, isla markaana ay u heli lahaayeen doorkooda aqooneed iyo kan siyaasadeed intaba.

Kulankan ayaan ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu magaaladda Buuhoodle lagu qabto, waxaanu kusoo beegmayaa xilli ay si aad ah kor ugu soo kacayso dhhinaca waxbarashada haweenka iyadoo ay leeyihiin dugsiyaal u gaar ah.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool