4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirrada Dalalka Jarmalka iyo Masar (SAWIRRO)


Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga danjirenimo laba safiir oo ay dalalka Masar iyo Jarmalka ay u soo magacaabeen Soomaaliya si ay safiirro ugu noqdaan.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa lagu magcaabaa, Andreas Peschke iyo  safiirka dlka Masar oo isagana lagu magacaabo Maxamuud M. Auf kuwaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

“Jarmalka iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeyay xiriir dheer oo wanaagsan; waxayna Soomaaliya ka faaa’iideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka hirgelisay Soomaaliya. Jarmalka wuxuu taageeraa tababbarada ciidamadda  Soomaaliya. Ciidamadeenna amnigana waxay helaan tababar heer-sare ah,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waa la arkaa inuu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay. Mar dhow waxaan jecel-nahay inaan ku tartanno suuqyadda Yurub; anagoo suuq-geyn doonna wax-yaabo kala duwan oo uu muusku ka mid yahay.”

Sidoo kale, madaxweynaha oo la kulmay safiirka cusub ee dowladda Masar ay Soomaaliya u soo magacowday, Maxamuud Auf ayaa kala hadlay xiriirka taarikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Masar iyo Soomaaliya.

“Labadeenna dal waxay fursad u yeesheen inay lahadaan xiriir dheer oo soo jiray qarniyo fara badan. Dowladda Soomaaliya way ku soo dhaweyneysaa waxaana daneynaa inaan kawada shaqeyno xiriirka amniga iyo siyaasadda.

Ugu dambeyn, madaama aminga Soomaaliya u sii hagaagayo ayaa waxay beesha caalamku billaabeen inay dib u soo laabtaan, dalal badan safaarado ka furtay Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jirto dowladda Ingiriiska.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya